Fanaanadii Faadumo Cali Nakruuma Oo Cudurka Covid-19 Ugu Geeriyootay Magaalada Muqdisho

0
Monday February 22, 2021 - 09:56:00 in News by G. Good
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanadii Faadumo Cali Nakruuma Oo Cudurka Covid-19 Ugu Geeriyootay Magaalada Muqdisho

    Fanaanadii Faadumo Cali Nakruuma Oo Cudurka Covid-19 Ugu Geeriyootay Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaanadii Faadumo Cali Nakruuma Oo Cudurka Covid-19 Ugu Geeriyootay Magaalada Muqdisho

Waxaa goor dhaw la xaqiijiyay geerida alle ha u naxariisteen Fannaanadii weyneyd Faadumo Cali Nakruumo oo cudurka Covid 19 ugu geeriyootay isbitaalka Martiine ee magaalada Muqdisho.


Lis Dairy


 

 
Nakruuma ayaa ka mid aheyd fannaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn loo jeclaa, iyadoo u badneyd qaadista heesaha wadaniga oo ay ku baraarujin jirtay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe.

 

Cudurka saf marka ah ee Coronavirus oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu soo xoogeystay magaalada Muqdisho ayaa dilay dad bulshada dhaxdooda caan ka ahaa, waxaana socda dadaalo lagula tacaalayo sidii looga hortagi lahaa cudurka.

Nakruuma markii ay dhaceen dagaalada sokeeye 1991 kii waxay u qaxday qurbaha, waxayse Soomaaliya ku laabatay 2018 kii markaasoo wixii ka dambeeyay ay daganayd magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida fannaanada.


Loading...
Loading...