Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibeda Somaliland Oo Shaaciyey Madaxweynihii Ka Dalbaday Inay Ictiraafka Ka Iibsadaan

0
Sunday February 21, 2021 - 15:11:50 in News by
  • Visits: 3347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibeda Somaliland Oo Shaaciyey Madaxweynihii Ka Dalbaday Inay Ictiraafka Ka Iibsadaan

    Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibeda Somaliland Oo Shaaciyey Madaxweynihii Ka Dalbaday Inay Ictiraafka Ka Iibsadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibeda Somaliland Oo Shaaciyey Madaxweynihii Ka Dalbaday Inay Ictiraafka Ka Iibsadaan

Hargeysa(HWN):-Proff Maxamed Siciid Gees oo ahaa Wasiirkii hore ee arimaha debada somaliland ee xukuumadii Cigaal ayaa shaaciyey madaxweynihii afrikaanka ahaa ee dalbaday in somaliland ay ka iibsato aqoonsiga.
Image result for proff gees



Proff Gees oo waraysi siiyey MMTv ayaa waxa uu yidhi "Waxa jiray qorshe dheer oo ay dad badani ka shaqeeyeen oo aanu ku tagnay wadanka Senegal madaxweyne Rayaale waxa wehelinayey aniga, Axmed Yuusuf Ducaale iyo marwo Edna waxaanan la kulanay oo na qaabilay madaxweynihii dalkaasi Cabdale Wade wax walbana waanu ka wada hadalnay."

Proff Gees oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "horta madaxweynihii Senegal imika xukunka ma joogo oo waan sheegayaa balse hadii uu joogi lahaa maan sheegeen, waxa jirtay hawl aanu sii wadnay anaga oo ka dalbanay inuu na ictiraafo, waxaanu nagu yidhi lacag keena anaguna waanu waynay, waxa uu naga dalbaday afar milyan, waxaanu yidhi hadii aad ii dhiibtaan aniga ayaa imika ku dhawaaqaya taasina waxay ku tusaysaa inaad iibsan karto wadamo badan oo Afrikaan ah."


Loading...
Loading...