Somaliya Oo Ka Digtay Dalal Ay Sheegtay Inay Qoraalo Marin Habaabin Ah Ka Soo Saareen Rabshadihii Muqdisho.
Muqdisho (HWN) Dowladda Soomaaliya ayaa u digtay dalal ay sheegtay inay qoraallo marin habaabin ah kasoo saareen dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay Jimcihii ee ciidamada dowladda iyo mudaaharadayaal ay hormuud u ahaayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu yidhii "dowladda federaalka waxay soo dhoweyneysaa walaaca ay muujiyeen dalalka aan walaalo nahay iyo urur goboleedyada ay Soomaaliya xubinta ka tahay, kuwaas oo soo saaray qoraallo la xiriira is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan hirgelinta doorashooyinka, qoraalladaas oo waafaqsan mowqifka dowladda federaalka.”
Qoraalka ayaa intaasi ku daray "Nasiib darro, ayada oo uu jiro heshiiskaas, iyo rabitaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay wax uga qabaneyso walaacyada jira, saameynta quwado shisheeye ayaa weli caqabad ku ah in lasoo geba-gebeeyo heshiis dhabbaha u xaaraya doorashada,” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in kahor shirka la qorsheeyey inuu Muqdisho ku dhex-maro madaxda dowladda federaalkka iyo madax goboleedyada, ay musharaxiinta madaxweyne "doorteen ay carqaladeeyaan hanaanka, si ay u raadsadaan waddo sharci darro ah iyo kacdoon hubeysan oo lagu qarinayo dibad-bax nabadeed, oo lagu damaanad qaaday dastuurka.”
"Waxaan, sidaas darteed, cambaareeneynaa, oo aan ka digeynaa qoraallada marin-habaabinta ah ee iska indha tiraya xaqiiqaha mararka qaarna u muuqda inay taageerayaan kacdoonka rabshadeysan, kuwaas oo ka imanaya meelaha qaar, ee aan ognahay ficillada xun ee ay ka wadaan gobolka, si been ahna isaga dhigaya inay mas’uul ka yihiin mustaqbalka dal kale, si ka hor-imanaysa mabaadi’da iyo xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka