ONLF Oo Ka Hadashay Khilaaf Siyaasadeed Oo Hadheeyay

0
Sunday February 21, 2021 - 08:38:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ONLF Oo Ka Hadashay Khilaaf Siyaasadeed Oo Hadheeyay

    "Khilaafkan ayaa la sheegayaa in uu gaadhay heer hoggaanka ururkaas uu kala qaybsamo."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khilaafkan ayaa la sheegayaa in uu gaadhay heer hoggaanka ururkaas uu kala qaybsamo."

Ururka ONLF oo ka mid ah ururrada mucaaradka ee ka jira deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay in khilaaf siyaasadeed uu ka dhex taagan yahay.


Khilaafkan ayaa la sheegayaa in uu gaaray heer hoggaanka ururkaas uu kala qaybsamo.




Axmed Yaasiin Shekh Ibraahim oo BBC u sheegay inuu yahay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee ONLF ayaa sheegay in si loo badbaadiyo jiritaanka ururka xal loo arkay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka sare ee ONLF, guddoomiyihi horana xilka laga hakiyey, waa sida uu hadalka u dhigaye.


Dhanka kale afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) ayaa beeniyey in ururka ONLF uu laba garab u kala jabay.


Wuxuu sidoo kale beeniyey in xubno ka tirsanaa ururkooda ay xisbiyo kale ku biireen.

Loading...
Loading...