Mushaarkii Sanatarkii Gaarisa Ee Geeriyooday Oo La Sadaqeynayo

0
Sunday February 21, 2021 - 08:34:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mushaarkii Sanatarkii Gaarisa Ee Geeriyooday Oo La Sadaqeynayo

    "Go'ankan ayay qoyskiisa ku sheegeen dardaarankii aabahood oo ay fulinayaan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Go'ankan ayay qoyskiisa ku sheegeen dardaarankii aabahood oo ay fulinayaan."

Allaha u naxariiste , Qoyskii uu ka baxay senetarkii Gaarisa Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in lixdii bilood ee u dambeysay musharkiisi ay ugu deeqi doonan caruurta danyarta ah ee ku nool magaalada Gaarisa.

 

Go’ankan ayay qoyskiisa ku sheegeen dardaarankii aabahood oo ay fulinayaan.

 

Labada wiil ee u dhalay Senator-ka, Nuurdiin Xaaji iyo Cabduul Xaaji ayaa sidaasi ka sheegay xaflad aabahood loogu duceynayay.

 

Caruurtu waxay yiraahdeen intii uu xanuunsanaa aad buu uga xumaan jiray in uu qaato mushahaar aan uu shaqo tegin, "Wuxuu rabay inaan la hadalno afhayeenka Senat-ka oo aan u sheegno in isu casilayo, maxaa yeelay wuxuu oran jiray, waa xaaraan in mushahar aan qaato anigo u shaqeynaynin dadka Gaarisa," waxaa sidaasi sheegay wiilkiisa Cabdul Maxamed Yuusuf Xaaji.

 

BBC


Loading...
Loading...