Abwaan Cabdiraxmaan Abeesow Milada Danab,Hirgal,Dooyoqaad Iyo Alpha Conde Igu Saamax...W/Q Ilyaas C. Carte

0
Saturday February 20, 2021 - 22:30:38 in Articles by
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Cabdiraxmaan Abeesow Milada Danab,Hirgal,Dooyoqaad Iyo Alpha Conde Igu Saamax...W/Q Ilyaas C. Carte

    Abwaan Cabdiraxmaan Abeesow Milada Danab,Hirgal,Dooyoqaad Iyo Alpha Conde Igu Saamax...W/Q Ilyaas C. Carte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Cabdiraxmaan Abeesow Milada Danab,Hirgal,Dooyoqaad Iyo Alpha Conde Igu Saamax...W/Q Ilyaas C. Carte


Ma daabacay waraaqa. Aashii ma diray fariimaha. Ma ku suntaday dakanaha. Ma listeetay diwaanka godabaha. Nin rag ahi waa kii suntada ereygiisee qun ma isu cabiray. Waa gedii abwaanimee tix ma ku awaala waramay. Ma sheegay sir iyo caadba. Ma dayray oo darbiyo adag ma u dhigay. Ma shakaalay oo saani ma u moosay. Allayleh ma reebay xan iyo been.
May be an image of 2 people, people standing and indoor



Ma daalacatay gaylankii Danab mase dhagaystay dirirtii Dooyaqaad ma ku soo gaadhay baanihii Hirgal? ina ma dhugatay Alpha Conde-ihii  kas iyo maaga weerarka ahayd?

Nin intaas oo maanso ka martiyay Abwaan Abees oo dabadeeed dhuuxay oo doqoni waa yeelkeede garawshiiyo laga waayay noqon maayo. Marna ahaan maayo munaafaqiinta markay dhagaystaana iyaga iyo nafahoodu ka garaabaan runta tixahaa ee markay arkaan kuwa dulaystay ee yeeshayna iscarabtira ee yidhaa xaqiiqada way baalmarsantahay! Ma ihi laba wajiilayaasha lagu adeegto wajina abwaanka kula rafiiqa midka kalena kula jooga kuwa u heegan dulaynta baniaadmiga karaamaysan. Noqon maayo kuwa dan iyo xeeshoodba u diran hungurigooda ee saxni bariis ah kaga saamayn badan yahay tixaha maanso.

Hayeeshee Cawaa saw amin maahaa. Saacadaa an joogno, anigoo miyirkayga iyo maankaygaba qaba waxa aan ka baryayaa inuu saaxiibkay marna abwaankayga Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Abees) iga cafiyo dani kasta iyo tuhun walba oo aan dulsaar uga dhigay qofka uu dabci ahaan yahay ama dhalan ahaan afkaartiisu tahay. Shaki kasta oo aan ku rineeyay damiirkiisa xariirta ah, dadnimadiiaa sundisaga ah iyo geesinimadiisa maanso ee ku dhaca leh. Male kasta oo aan naftayda kula faqay oo aan ka qabay Abwaan Abees xadhistiisii xabsi, safarkiisii shaydaan ee Boorama iyo dhamaan dhaqdhaqaaqyadii qofnimo ama abwaanimo ee intii uu dalka yimid, waxaan ka codsanayaa inuu iga saamaxo. Waxan ka rejaynayaa inuu dhaamaan ka soo qaado cudur igu dhacay oo aan ka bogsooday.

Si kastaba ha ahaatee, anigoo inta taagtay ah ka dhawrsaday ka hadalka qadiyadii sumcad dilka Abwaan Abees haddana ma aan yaraysan inaan malemaleeyo xaqiiqada qadiyadiisaa. Waan ku dambaayayay mar kasta oo malamaleeyo.

Haa, dabcan baniaadan baan u ahay malaynta sidoo kalena qadiyada Abees oo ahayd mid kakan ayaa ii nugleeyay inaan ribeeyo oo badi naftayda kula faqo tuhuno ay ka mid yihiin abwaan Abees waa qabyaaladiiste, waa nin hunguri laba eef ah, waa danayste ku adeegta maansada sharfan ee soomaalida, waa maangaab aan garasho dheerayn, waa la soo diray oo qudhiisaaba nidaamkan u shaqeeya, dalkaba malaha wuxuu u yimid inuu boobo oo fooqyo ka dhisto. Dhamaan waa tuhuno xiliyada qaar igu sii siyaadayay ka hore Suugaaanta bandhiga Hal Na Dheh Laba. Hadase si kalsooni ku jirto ayaan wiswiskii iyo Khanaaskii iga qariyay shakhsiyada iyo abwaanimada Abees u reebayaa. 

Waxaa damaanad cad iiga ah milada iyo axdiga tixda Danab, Hirgal, Dooyaqaad iyo gabaygii ku hadoodilnaa hogoogta maada ah ee Alpha Conde. Iyaga ayaanu wacad ku wada galaynaa anigiyo abwaanku. Iyagaan jixaasanayaa oo cududa iigu xidhan. Dayran oo waa balaaya xijaab. Waa baaq waa balan waa is afgarad dhigan oo dhaabadaysan. Sidasaan ku bogsooday isagana uurxumadii la ii galiyay cafis uga waydiisanayaa.


W/Q Ilyaas C. Carte
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...