Xisbiga Kulmiye Madaxwayne Muuse Biixi Ma Ka Dambayn Doonaa !!!

0
Saturday February 20, 2021 - 09:18:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Madaxwayne Muuse Biixi Ma Ka Dambayn Doonaa !!!

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Barigii shirkii Kulmiye 2008 ee Plaza Burco  lagu soo kala cadhooday ayaa xisbiga kulmiye waxa ka xanaaqay qaabkii siilaanyo wax u watay xubno miisaan culus oo 52 qof ahaa dhamaantoodna xiligaasi ahaa dad kulmiye u baahnaa waxaa markaasi lagu jiray xili adag oo ay doorasho ficiltan badani fooda ku soo haysay dalka.



Odey Muuse ayaa waxa uu ahaa dadkii u guntaday in aanu qof ka tagin waliba dadkaasi waxa ku jiray saaxiibadiisii halganka oo ay ka mid ahaayeen Ibrahim dhegawayne , Cabdiraxman Awcali iyo mujahidiin kale oo miisaan leh , waxa igu maqaalo ahayd in uu gogol u dhigtay oo uu midwaliba u sheegtay in uu xili adag garab istaagay, laakiin hadii aanay maanta garab istaagayn isaga aanay ka hor iman.


Arinkaasi sababtiisa ayey uga gaabsadeen siyaasada cida ay godobtooda u raacayaana ay noqotay siilaanyo badhna kulmiye dib ugu soo noqdeen oo ay xisbigii halkii kala sii wadeen, xiligaasi Muuse Biixi waxa uu ahaa qof mustaqbalka dambe eeganaya tacabkiisuna aanu aheyn in uu qof dhiso kaliya ee isagu wax sii dhiganaya meel .

Waa kii halgankii kursigu la dheeraaday ee uu culeys ka qabsadey xukuumadii iyo kulmiye dhexdiisa ilaa meesha lagu kala qaybsamay oo uu siilaanyo goostay in uu dhinac raaco , dabadeedna xukuumadii kulmiye kala jabtay oo ay kala badh dibada uga baxeen , maalintaasi uu libinta helay ilaa maanta xisbiga kulmiye maaha kulmiyihii hore , oo qof iyo koox cidna looma joojiyo haddaba laba mid uun bay noqonaysaa ;


1- In aanay dabadii jirin cid xisbiga awood ku leh oo rajo ka damacsan iyo mustaqbal dambe ee kaligii uun la dhisayo, isna uu u muuqdo mar haduu halkuu ku taamayey soo gaadhey bal in uu fursadu sida ay noqoto iyo sida uu wax yeeli karo u wato oo faraha looga qaaday


2- In ay jiraan dad damac leh laakiin aan lahayn kalsoonidii iyo badheedhihii isla markaana ay cabsi sii galisay la isku joojin maayo dii odeygu soo bilaabay ilaa maalintii uu libinta helay ee xisbigu labada kala noqday,  iyo waxii dhacay shirweynihii dambe ee oct 2020 oo u muuqday raali galinta iyo ka shaqeynta rabitaanka hal qof ( One person's desire ) oo qaybtii danbena kuwii hore badhkood ka daba tageen badhna yaaban yihiin.


Markaa waxa taagan su'aasha ah Kulmiye iyo Madaxwayne Muuse Biixi ma kala dambayn doonaan?


W/Q: Mohamed Abdi Jama

Muxamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...