Ninkii Maskaxda Ka Xanuusanayey Ee Bisada U Maydhay, Iyo Siduu Dhakhtarkii Daweynayey U Waaley.

0
Saturday February 20, 2021 - 08:54:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ninkii Maskaxda Ka Xanuusanayey Ee Bisada U Maydhay, Iyo Siduu Dhakhtarkii Daweynayey U Waaley.

    Sheeko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheeko

Waxa la yidhi nin dhimirka ka xanuunsanaya oo ku jiray mid ka mida cusbitaaladada dadka dhimirka ka buka lagu daweeyo ama lagu xannaaneeyo.



Maalin maalmaha ka mid ah ayaa la arkay ninkii oo bisad u maydhaya.

Diktoorkii daaweynayay ayaa ku yidhi


"Waar yaahe maxaad sidan usameyneysaa. Yacnii aad bisada sidan u leedahay.?

Ninkii dhimirka ka xannuusanaayay ayaa dhakhtarkiisii ugu jawaabay


"Bisadu waa noole waxay u baahantahay inay qabowsato sida ay dadkuba ugu baahanyihiin inay Maydhaan."

Diktoorrkii baa farxay oo hoos iska isku yidhi "Ninku wuu fiicnaaday."


Inyar kadib ayaa dhakhtarkiisii ku soo laabtay ninkii oo, hadana ku yidhi

"Waar haaye meeyay bisadii.?


Ninkii maskaxda ka xanuusanaayay ayaa isagoo markale si degan u jawaabaya ayuu yidhi

"Maxaad iga weydiineysaa bisada waan maroojiyay, si aan biyaha uga saaro  kadibna waan wadhay oo waa taa xadhiga ka laa laada."


Digtoorkii xadhigii buu eegay, mise waa bisadii oo sow sidii u silcinaayay bakhtiday, oo xadhiga sudhan.

Jamaal Macalin, ayay ka soo maaxatey.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...