Miisaaniyada Qaranka , Heshiisyada Maalgashi Iyo Duruufaha Shacabkasomaliland Ma Yihiin Qaar Is Leh !!!
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Miisaaniyada qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka cashuur
ururinta dalku waa in ay yihiin qaar si dhab ah maslaxada iyo danta
bulshada ugu fadhiya isla markaana uu dareemi karo qof kasta oo muwaadin
ahi isbadelka ku yimaada iyo kor u kaca dakhli ee soo galay dalkiisa.
Muwaadiniintu marka lagu waajibiyo cashuuro iyo takaaliif waa in uu
xeer jideeyaa , waliba waa in ay danta iyo maslaxada dadka ku fadhidaa
cashuurtaasi sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland
qodobkiisa 14naad.
Haddaba maanta cashuuraha la qaado miyaa loo eegaa danta iyo maslaxada
bulshada , sidoo kale cashuuraha laga qaado dadka dhamaantood ma xeer
baa jideeyey?
Waxa hubaal ah in dawladu marba marka ka dambaysa aad moodo in ay
cashuuraha iyo culeyska bulshadu kor u sii kacayaan, sidaasi ayuu waliba
wasiirka maaliyadu ku andacoonayey in aan cashuuraha wadamada jaararka
aad uga hooseyno aniga oo aan jeclayn in uu tusaaleba inoogu soo qaato.
Waxa kale oo layaab ah in wasaarad kastaa ay doonto in ay lacag qabato
, taasi oo shuruucda dalka iyo nidaamka ka hor imanaysa marka laga
reebo cashuuraha dawladaha hoose oo iyagu leh gole u jideeya kana madax
banaan dawlada dhexe laakiin iyaguna waa in aanay ka hor iman dastuurka
dalka oo ay danta dadka yihiin qaar ku fadhiya.
Muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland waxa ay isweydiinayaan
miisaaniyada qaranku maalintii ay 30 milyan ahayd iyo maanta oo ay 300
milyan ku dhow dahay maxaa isbadel ah ama nolol wanaagsan ah ee idinku
soo kordhay ? Waa su'aal sax oo ay tahay in jawaab ku filan loo helo.
Somaliland mashaariic badan oo lacagtii umada la galiyey xiligani wax
looga baahnaa ma jirin, sida madxafka lagu sheegay taariikhda ayaa lagu
kaydin doonaa , madaxtooyada cusub ee la dhisayo iyo waxyaabo badan oo
aan sidaasi usii muhiim aheyn, waana aragti la'aanta sameynta
miisaaniyad ku fadhida duruufaha iyo waayaha dalka.
Miisaaniyadu qaranku waa in ay noqotaa mid ka turjumeysa adeegyada iyo
baahiyaha dadka jamhuuriyada Somaliland ay qabaan, iyo waliba sida ay u
kala muhiimsan yihiin , dadka jamhuuriyada Somaliland biyaha iyaga ayaa
iibsada, caafimaadka iyaga ayaa iska bixiya , waxbarashada iyaga ayaa
iska bixiya , ma haystaan wadooyin wanaagsan, kuwa miyiga joogaa
xoolahooga iyaga ayaa daweysta , beerahoogana iyaga ayaa ka shaqeysta.
Waxa aad isweydiinaysaa dawladu maxay u qabataa dadka , waxa ugu weyn
ee dawladu sheegtaa waa in ay nabadgalyada ilaaliso, hadana nabadaasi
kuma filna oo dadku iyaga ayaa hantidooda lacago kale ku bixiya si loogu
ilaaliyo , sababta oo ah dawladu kuma filna amnigooda.
Marka ay duruufahani oo dhami jiraan ayaa hadana aynu is mahadinaynaa
oo aynu sheeganaa in aynu meel wanaagsan marayno , waxa aan ka mid ahay
dadka saluugsan in nidaamka dawladnimo ee hadda jira uu leeyahay
dhaliilo badan oo hadii uu sidan ku sii socdana isagu is dabri doono.
Waxa wax lala yaabo ah oo uu wasiirka maaliyada jamhuuriyada
Somaliland qiray in ay Somaliland lacagta ugu badani amniga kaga baxdo
oo 35% miisaaniyada qaranka jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku baxdaa
nabadgalyo, ma xuma oo Somaliland waxa ay ku taalaa gobol aan nabdoonayn
argagixiso jirto, colaado iyo dagaalo qabaail ilaa qaar heer Gobolka
Geeska Africa ahi ay dhacaan , laakiin waa in ay dhaqaalahaasi xaaladaha
Gobolka iyo kuwa dalka uun la socdaa.
Tusaale marka gobolku xasiloon yahay ee aanay dagaalo dhicin,
lacagihii loo qorsheeyey gurmadka deg-dega ah iyo xaaladaha dheeraadka
ah waa in ay qaranka u baaqdaan si loogu daro hawlaha kale ee horumarka
iyo waxqabadka ah ee qaranku u baahan yahay , laakiin ma dhacdo meel ay
mareena lama yaqaano.
Waxa intani dheer in aduunku dhaqaale badan ku bixiyo hawlaha dib u
dhiska iyo dawladnimada oo qaranka jamhuuriyada Somaliland laga kabo wax
badan ilaa hadda, marka hadaba aad isku eegto dalka iyo dadka
Somaliland iyo xaaladaha ay ku jiraan iyo waliba dhaqaalaha uu caalamku
ku tabaruco maaha qaar aad uga muuqda horumarka dalka iyo dadka .
Waxa kale oo dalka ka socda mashaariic maalgashi iyo heshiisyo
maalgashi oo lala galay shirkado caalamiya oo ay dawladihii kala
dambeeyey la saxeexdeen heshiisyadani dhamaantood waa qaar u baahan dib u
eegis iyo in bulshada laga hubiyo in ay dan yihiin , heshiisyadaasi
waxa ka mid ah kuwa shirkadaha khayraadka soo saara lala galo , kuwa
lagu wareejiyey kaabayaasha dhaqaale ee dalka , kuwa hawada iwm.
Waxa hubaal ah in baahi weyn loo qabo in la helo goleyaashii isla
xisaabtanka ee xukuumada kula xisaabtami lahaa hawlaha ay waddo iyo
heshiisyada ay gashay in ay yihiin qaar dalka iyo dadka dan u ah , sidoo
kale ka eegi lahaa miisaaniyada qaranku in ay si dhab ah uga turjumeyso
baahida iyo duruufaha shacabka jamhuuriyada Somaliland qabaan.
Mohamed Abdi Jama
Hogaamiye Mohamed Dhimbiil
+252634429221
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...