'' Xaaladda Biyo la'aanta ''.

0
Thursday February 18, 2021 - 09:28:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xaaladda Biyo la'aanta ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Xaalad Biyo la'aaneed oo aad u khatar badan ayaa ka taagan deegaanadda Koonfurta iyo Barigga Hargaysa iyadoo Roobabkii Dayrtu aanay helin deeganadaas oo ah Dhul Hawd ah  oo aan lahayn Dooxyo iyo Ceelal Dhaadheer oo riigag ah oo la isku halayn karro .



Xiligga Biyo la'aantani bilaabantay oo ah Bishii labaad ee sanadka ayaana sii kordhinasa khatarta jirta maadaama Roobabka Guga la filan karro Bisha Afraad ee sanadka .


Dhulka Biyo la'aantu ku hubsatay ee  Durba gadhi gaadhi saarku ka bilaabmay ayaana ah duleedka magaaladda Hargaysa ilaa Xuduudka Itoobiya , sidaa darteed waxaan tallo ahaan iyo qaylo dhaan kusoo jeedinayaa .


1- In Xukuumaddu samayso qaylo dhaan degdega ah oo Biyo la'aaneed iyo gudiyo ka hawl-gala .

2- In gurmad sahan iyo qiimayn ah loo diro deegaanada biyo laantu ku habsatay .

3- In shacab iyo dawladba loo diyaar garoobo duruufaha Biyo la aanta oo sii xumaan karra .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...