Caano Iyo Hilibkii, Cadceeday Iswadhayeen, Xoolahay Cunaayeen, Cidwaliba Ha Weydo, U Jar Caynka Iyo Bayd.

0
Thursday February 18, 2021 - 08:46:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caano Iyo Hilibkii, Cadceeday Iswadhayeen, Xoolahay Cunaayeen, Cidwaliba Ha Weydo, U Jar Caynka Iyo Bayd.

    W/Q: Ismail Abdilahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdilahi Handuleh

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,[A.S.C.W.R.W.B],

TU KHAAS AHANA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

UNTU waxay inagu qabto iyo waxay ina yeelayso,ayaa ka badan waxaynu ka helo.



 

CAY IYO CABAARAYN,CODKASTABA KU DUUBO,

CIILBAX KUUMA NOQOTE,COLAADAY FOGAYSA,

CADHUUN BAAD ABUURTAYE,CIILQABE SIDIISII,

CAAWIMANA MAAD TARIN,CIDIYAHANU RUGAA.

 


CIIRSI WAXAA LA MOODAA,CIDUUN KA NAXAYSOD,

CISAYNA AAD KA FILAYSON,CEEBTAADA DOONAYN,

CALOSHAADA HAW FURIN,CAALE KUGU ITAALSADA,

CIRKAYUU ISGEYNINE,CABASHANA WARKEED DA’A.


 

CALOOL NUGEYLKU WAA CUDUR,CUSKADA MA CIIDAMIN,

CAADUUNYAY IDIIN NOQON,CALAACALKA IYO HIBASHADU,

CAD QUUDHEED IINUU CUNO,RAG CIILBU KA DOOR BIDAY,

CALAFKA AY FARMAAJIYO,XAMAR SOO CAMCAMIYEEN.

 


CAYNKA IYO BAYDIYO CILAAQAADKA GOOYOO,

CAADIL BAYNU LEENAHAY,CIIDUN HA DHAAFAN,

CAANO IYO HILIBKII,CADCEEDAY ISWADHAYEEN,

XOOLAHAY CUNAAYEEN,CID WALIBA HA WEYDO,

                            Ismail Abdilahi Handuleh

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...