Shimbirihii Diide Inay Heesaan Doorkan (Abdi-Shotaly).

0
Friday May 03, 2019 - 10:29:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shimbirihii Diide Inay Heesaan Doorkan (Abdi-Shotaly).

    1965kii, Markii uu Ra'isal wasaaraha ka Ina Catoosh Ama Cabdi abaar ( waa cabdirasaaq x xuseen),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1965kii, Markii uu Ra'isal wasaaraha ka Ina Catoosh Ama Cabdi abaar ( waa cabdirasaaq x xuseen),

dabeed sidda askartan ay wadaan, ku yidhi baarlamaankii wakhti-gaas khasab ku soo fadhiista, si ay ugu hir-geliyaan, barnaamij uu doonaayey in uu ka saxeexdo, sheeka-daas buu Abwaan Cali Sugule ( ihun) uu ka sameeyey heesta la yidhaaho " Shimbira-yahaw heesa", oo ay qaado jirtey Magool (ihun) midha-heedana ka mid ahaayeen " Shimbira-yahaw heesa, kaalaya hortay-dda, halkan soo fadhiista, hees wanaagsan qaadda" nasiib darro way diideen siddii uu rabay, oo way ku gacan saydheen. Taariikh-du iyadda baa dib isu qortee, imika oo ay taariikh-du tahay 02/05/2019, bay mar kale isi soo celisay 54 sano ka bacdi, oo u askarigan sag-xadda ku eryaya daawahu, uu isku deyey siddii taa hore, in uu kaman iska soo qaato, oo uu ku yidhaaho ii heesa labaddii Gole, laakiin waa maskax askari iyo caadadeede, waxa ka khaldan maskax xumi-diisa, in kaa uu ku dayana-yaaba uu ku saaqiday, oo isaga oo madaxa haysta uu ka lugeeyey. Aan ku taabsiiyo ujeedada aan rabo'e, iga qabo akhristaw.



Sidda qisadda aan sare kuugu qorey oo kale, baa askariga Somaliland hor joogaha isku sheegaa " Waa raggii ma adigaa ka hadhaye" uu damcay in beenta uu ummadda ku hanaq goynaayo, uu kaadhka ka marsado labadda gole ee Guurtidda iyo Baarlamaanka, wayse dhicisawday oo Shimbirihii diide in ay heesaan, kii ka wakiilka ahaa ee la yidhaaho Baashe, aad buu nasiib badan yahaye, hadaan mar labaad feedh ku dhicibe, laakiin markuu naf-tiisa u yaabay, buu meeshii ka cararay, golihiina uu ka baxay, oo cagaha wax ka deyey, ka dib markii ay 38 keliyi u codeeyeen sidduu ku tallo galay, 69kii kale-na ay ku yidhaaheen nagala tag. Isaga oo siddii aabihii saleebaan-gaal, xildhi-baanadda ku lahaa Waar aamus kii hadlaba, siddii ilma yar oo uu dhalay, ku lahaa la doodi-maayo, ee sandule-af-goos gacanta ku taaga, haa iyo maya mid uun dhaha, mase uu filanayn waqdda ka raacday iyo jacdda lagu riday.


Waxan ku soo xidhay maqaalkan, nin qoyani biyo iskama dhawree, isaga oo argagaxsan buu miiska ku dhuftay qoriggii, oo uu yidhi Golahu wuu xidhan yahay, ilaa maalinta Sabtidda ah ee taariikh-du tahay 04/05/2019. isaga oo rabo in uu la soo tashado askariga iyo Saleebaan-gaal, oo dhaameelkii loo daadiyo intii diidanayd, si ay uga dhamays-taan arintan fara madh-naanta ugu socon wayday. Waxa intaa ka sii daran, oo aan idiin sheegayaa, in Askariggii isla maanta-ba deg-deg ula hadlay, kii uu ka dhigay safiirka Imaaraadka, ee xaas-kiisa weyni Eedadda u tahay, una sheegay in diyaaradda Al-carabiya uu u soo saaro $2 milyan oo doolar, intuu caawa u tago shuyuukh-da ay ku baadhaan, deked iyo saldhig baan idin siiyey. lacag-taas oo beriba iman doonta, si looga soo gaadh-siiyo inta Sabtidda ka horeysa, haddii ay ka soo gaadhi waydo-na, khasnadda cashuurta lagu soo ururiyo, baa laga sii qaadayaa. sidaas awgeed ummadu ha la socdeen xaaja-daas, run iyo been kaad doonto u qaado, wayse ku hor iman giraantu, indha-haaga oo shan ah, cadceeduna joogto gonda-gaagga.


* N.B Qar Iska Xoor, Xeer Ma Qabto.

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...