Komishanka, Xisbiyada iyo Dawlada Oo Ka Hadlay Hubinta Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharixiinta

0
Wednesday February 17, 2021 - 14:38:52 in News by
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka, Xisbiyada iyo Dawlada Oo Ka Hadlay Hubinta Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharixiinta

    Komishanka, Xisbiyada iyo Dawlada Oo Ka Hadlay Hubinta Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharixiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka, Xisbiyada iyo Dawlada Oo Ka Hadlay Hubinta Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharixiinta


Hargeysa(HWN):-Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta kula la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran, Wasaarada Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyada, Wasaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta Qaranka & Hay'ada Shaqaalaha Dawladda.




Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii Xulista Musharixiinta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada loo dardar-gelin lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in dhammaan Murashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha uu qeexay, isla markaana uu waajibiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 91/2020 iyo Dastuurka JSL.

Laamaha Dawlada ee kala duwan ee shirkan ka qayb galay ayaa doorar kala duwan ku leh bixinta Waraaqaha cadeynaya Shuruudaha buuxintooda uu Xeerku ku waajibiyey Murashixiinta sida Shahaadooyinka Waxbrashada, Cashuur-bixinta, Deebaajiga, Dambi-la'aanta, Shaqo ka-tegista Shaqaalaha Dawladda, Warqadaha Caafimaadka, iwm.

Waxaana si qoto-dheer lays kula eegay sidii Xisbiyada, Hay'adaha kala duwan ee Dawladda iyo KDQ u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo dhaqan-gelinta Qoddobada Xeerka sida Shuruudaha ku xidhan Murashixiinta isku taagi doona Doorashooyinka inagu soo foolka leh.
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 3 people, people sitting and indoor
May be an image of 2 people and people sitting
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 2 people, people standing, people sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting, standing and indoor
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person, sitting, standing and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor

Loading...
Loading...