Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codaynta Oo Markii Hore Ka Lumay
"Gudoomiyaha waxaa wehelinayay saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga UCID"
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta dib u qaatay kaadh-kii codaynta, kadib markii uu ka lumay kaadhkiisii hore ee codayntu.
Gudoomiyaha ayaa maray dhamaan shuruudihii looga baahna qof-ka uu ka lumo kaadhku, kadibna wuxuu qaatay kaadhkii codaynta.
Gudoomiyaha waxaa wehelinayay saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga oo ay kamid ahaayeen, Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse C.laahi, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C.qani Ibraahim Salaf, Maxamuud Cali Muuse Jiir oo kamid masuuliyiinta sare ee Xisbiga iyo Murashaxiin kale.
Loading...
Loading...