Waxa Ay U Muuqataa In La Rabo In Siyaasada Dalka Kooto Loogu Xidho Sadexda Xisbi Qaran Ee Hada Jooga…
Nidaamka Dimuqaradiyadeed Ee Somaliland Iyo Shuruucda Dalkuna Ma Ogola Arinkaasi !!!
Hadii sharciga iyo xeerarka dalku inaga noqdaan in lagu jaangooyo hadba inta umada ugu tunka weyn ama fursada saaxada siyaasadeed heshay iyo darmo wadaagta siyaasadeed ee hadda joogta , sharcigaasi sharci ma noqonayo ee waxa uu noqonayaa mid la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan laga dhigtay .
WAXA AY U MUUQATAA IN LA RABO IN SIYAASADA DALKA KOOTO LOOGU XIDHO
SADEXDA XISBI QARAN EE HADA JOOGA , NIDAAMKA DIMUQARADIYADEED EE
SOMALILAND IYO SHURUUCDA DALKUNA MA OGOLA ARINKAASI !!!
Hadii sharciga iyo xeerarka dalku inaga noqdaan in lagu jaangooyo hadba inta umada ugu tunka weyn ama fursada saaxada siyaasadeed heshay iyo darmo wadaagta siyaasadeed ee hadda joogta , sharcigaasi sharci ma noqonayo ee waxa uu noqonayaa mid la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan laga dhigtay .
Haddaba sida ay baryahaaba muuqatay waxa kaalintii siyaasadeed ee
dalka ku kaliyeystay sadexda xisbi qaran ee jamhuuriyada Somaliland oo
iyagana xiligoogii yahay mid sii dhamaanaya oo mudo koobani u hadhay,
iyo dalkii oo u baahan dardar iyo isbadel mug leh oo cusub iyo dadka
jamhuuriyada Somaliland intii aan ku qanacsanayn xisbiyada oo sugaysa in
ururadii siyaasada loo furo.
Waxaa laga maarmaan ah in xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta
aan sadexda xisbi qaran ku qancin oo dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa
si cad u qeexeen, gaar ahaan qodobada 22naad iyo 23naad ee dastuurka
jamhuuriyada Somaliland iyo Xeer No 14 , oo ah xeerka ururada iyo
axsaabta in la difaaco si aanay meesha uga bixin ama aan loo dhayalsan.
Nidaamka siyaasadeed iyo hogaamineed ee Somaliland waxa uu soo
gaadhay xili uu u eeg yahay mid istaagaya oo u baahan nooleyn iyo rajo
abuur cusub, maadaama ay siyaasada Somaliland soddon sano hal koox ay
haysatay oo iskuwada aragti ah oo aan wax badan ku kala duwanayn , waa
sababta ugu weyn ee wax badani aanay xaga maamulka dawladnimada isaga
badelin ee dadka uuni ay isbadelaan.
Hadii dadku u arkaan maanta sida ka muuqata in aan la helayn
isbadelada marwalba codka lagaga ololeysto, waxa ay gaadheen heer ay ka
niyad jabsan yihiin doorasho oo dhan taasi oo ay sababtay markii
goleyaashii iyo hay'adihii dawlada in koobani xidhatay, loona arko in ay
u shuraakoobeen danta mansabyada qaranka oo maanta uu golihii wakiilada
2005 la doortay ee mudo xileedkiisu ahaa 5 sano uu fadhiyo ilaa 2021 ,
sidoo kale golihii guurtida ee 1997 la doortay oo mudo xileedkiisu ahaa 6
sanadood uu ilaa 2021 fadhiyo.
Sidoo kale goleyaasha deegaanka dalka oo 2012 la doortay mudo
xileedkooguna uu ahaa 5 sanadood ayaa fadhiya ilaa 2021 , waxa la
mudeeyey in doorashada goleyaasha wakiilada iyo deegaanku qabsoonto
31/05/2021, halkani waxa isweydiin leh qaabka loo furi doono ururadii
siyaasada waxa laga yeeli doono marka xisbiyada mudadoodu dhamaato iwm ,
dhacdooyinkani hadii ay sii jiraan waxa sii badanaya niyad jabka dadka
ee nidaamka dawladnimo, kaasi oo abuuri kara dib u dhac weyn .
Dhawaan bay ahayd in ajandaha Golaha wakiilada jamhuuriyada
Somaliland aan ku arkayey in Xeer Lr 14 oo ah xeerka ururada iyo
axsaabta uu ku jiro , waxaana isweydiin leh xeerkaasi waxa xiligani
keenay iyo ujeedada uu ajendaha golaha ugu jiro ?
Iyada oo loo diyaar garoobayo in muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland isku habeeyaan ururo siyaasadeed oo la tartama axsaabta siyaasada ee hada joogta oo xiligoodii dhamaad yahay , hadii ay noqoto in xeerkaasi la damco in laga saaro in 10 sanadood ba mar ururada la furo waxa ay noqonaysaa in la laalay Xuquuq siyaasadeed oo ay muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland lahaayeen waxaana ka dhalan karta cawaaqib xumo qaranka wax yeelo u geysan karta .
Iyada oo loo diyaar garoobayo in muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland isku habeeyaan ururo siyaasadeed oo la tartama axsaabta siyaasada ee hada joogta oo xiligoodii dhamaad yahay , hadii ay noqoto in xeerkaasi la damco in laga saaro in 10 sanadood ba mar ururada la furo waxa ay noqonaysaa in la laalay Xuquuq siyaasadeed oo ay muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland lahaayeen waxaana ka dhalan karta cawaaqib xumo qaranka wax yeelo u geysan karta .
Waxa intaasi dheer in axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland
iyo nidaamka dimuqaradiyadeed loo qaatay in dadka jamhuuriyada
Somaliland kaga guuraan habka beelaha oo loo guuro nidaam afkaar iyo
aragti la isku bahaysto oo noqda mid mustaqbal wanaagsan iyo horumar u
horseeda dalka jamhuuriyada Somaliland , mana muuqato maanta.
Markaa hadii aad is leedahay shaqadaada yar ilaasho, dukaankaaga
yar iska hayso, bakhaarkaaga ku koobnow, hudheelka iska hayso,
ganacsigaaga iyo shirkadaadu ha kuu shaqeyso waxa aan kuu sheegayaa in
aan intaa midkoodna kuu shaqeyn doonin hadii xasilooni la'aan
siyaasadeed iyo kala shaki umadeed dhaco , markaa maanta waxa kala
gudboon in la isku kaashado in la ilaashado waxii umadu dhigatay.
Mohamed Abdi Jama
Muxamed Dhimbiil
Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...