Maxay Doorashadani Kaga Duwanaan Doontaa Kuwii Kulmiye Qabtay Ee Dhiigu Ku Daatay 2012 Iyo 2017?

0
Tuesday February 16, 2021 - 13:34:13 in News by
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Doorashadani Kaga Duwanaan Doontaa Kuwii Kulmiye Qabtay Ee Dhiigu Ku Daatay 2012 Iyo 2017?

    Imtixaan Adag Oo Horyaala Muuse Biixi Iyo Xisbigiisa Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imtixaan Adag Oo Horyaala Muuse Biixi Iyo Xisbigiisa Kulmiye

Hargeysa(HWN):-Muddo ku Dhow Kow iyo taban sanno ah oo ay talada dalka hayeen xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa dalka ka dhacay laba doorasho oo uu dhiig ku daatay. Xukuumaddii xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo tan iyo markii ay talada dalka la wareegtay laga qabay cabasho ku aaddan dhinaca saamiga iyo manfaca dawladnimo waxa ay hore dalka uga hir gelisay laba doorasho.

Image result for muuse biixi


Xukuumaddii Xisbiga KULMIYE Ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sanadkii 2012-kii dalka ka qabatay doorashadii golaha deegaanka taas oo ay ku tartameen ururo gaadhaya toddoba urur siyaasadeed, iyada oo saddexda ugu sareeyaa u gudbayeen xisbiyo qaran isla markaana lagu soo dooranayey xildhibaanada golayaasha deegaanka ee dalka oo dhan. Intii aanay soo bixin natiijadii ugu dambaysay ee ay soo saareen guddidii doorashada ee wakhtigaasi ayaa xukuumada iyo xisbiga Kulmiye lagu eedeeyey inay ku shubteen doorashada, eedahaasi oo mid mid ka mid ah ururradii tartamay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ku eedeeyey.


Eedahaasi waxa ka dhashay mudaharaad ka dhacay qaybo ka tirsan magaalada Hargeysa oo waxaanay rabshadahaasi keeneen inay dhawr qof ku dhintaan balse guud ahaan ay dalka uga qabsoontay si nabad galyo ah.


Mudo shan sano ah ka dib xukuumadda xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qabatay doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo ay ku tartamayeen saddexda murashax oo kala hogaaminaya xisbiyada Kulmiye, Waddani Iyo Ucid. Inkasta oo guddida doorashada Somaliland aanay wax dhibaato ah doorashadaasi ka sheegin haddana xisbiga WADDANI ayaa wakhtigaasi xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE waxa uu u soo jeediyey eedo ay ka mid ahaayeen in goobaha qaar lagu shubtay walaw maxkamadda sare ay ayidday go’aankii komishan doorashooyinka sidaasina doorashadu ku dhammaatay.


Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu wakhtigaasi soo bandhigay waraaqo uu ku sheegay inay yihiin qaar been abuur ah oo aanay soo daabicin guddida doorashadu kuwaas oo lagaga codaynayey qaar ka mid ah goobaha codbixinta, iyaga oo si gaar ah u xusay inaanay guddida doorashadu dhagaysan isla markaana waxba ka qaban cabashadooda.


Cabashada xisbiga Waddani ayaa isla markiiba waxa ka dhashay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo cabashada WADDANI, iyada oo banaanbaxyo ka dhaceen magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Dad badani waxa ay wakhtiyadaasi is waydiinayeen sababta doorashooyinka labada ah ee KULMIYE qabtay dhibaatadu uga dhacday iyada oo doorashooyinkii hore ee uu qabtay xisbigii UDUB dhibaatadu intaasi ka yarayd.


Doorashada haddaba la filayo in ay dalka ka qabsoonto dabayaaqada Bisha May ee sannadkan ayaa shacabku si waydiinayaan hannaanka ay dalka uga qabsoomi doonto inkasta oo nooca doorasho ka duwan tahay taasi hore ee Madaxtooyada oo ay doorashadan ku tartami Musharaxiintu Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada.


Shacabka Somaliland ayaa doorashadan il gaar ah ku haya iyada oo aad mooddo in ay xamaasad weyn xambaarsan tahay dadkuna isku diiwaan galiyay si heer sare ah halka Deegaamo badan oo aanay doorashooyinku hore uga dhici jirin shacab badani iska diiwaan galiyeen gaar ahaan Gobollada Sool iyo Sanaag Bari, waxaanay noqon doontaa intixaam culus oo hor yaalla xukuumadda KULMIYE ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi sida ay u maarayso xaaladda doorashada iyo ilaalinta nabad galyadeeda. Bal aan dhawrno hannaanka ay doorashadu u qabsoonto.


Loading...
Loading...