Kenya Oo Ka Hadashay Go'aan Maxkamada ICJ Ka Soo Saartay Dacwada Badda

0
Tuesday February 16, 2021 - 13:08:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Ka Hadashay Go'aan Maxkamada ICJ Ka Soo Saartay Dacwada Badda

    "Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa waxaa la filayaa inay go'aan rasmi ah ka gaadho kiiska dacwadda Badda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa waxaa la filayaa inay go'aan rasmi ah ka gaadho kiiska dacwadda Badda"

Muqdisho (HWN) Dawlada Kenya ayaa ka hadashay go’aan dhawaan ay maxkamada cadaalada Adduunka ee loo soo gaabiyo ICJ ay ka soo saartay codsi ay Kenya ku dalbatay in dacwada Badda ee ka dhaxaysa Somaliya iyo Kenya oo loo balansan yahay 15-ka Bisha Maarso ee sanadkna 2021 markale Dib loogu dhigo.

 

Xoghayaha  joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau, ayaa sheegay in Dowladda Kenya diyaar u tahay inay xaadirto dhageysiga kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

 

Macharia Kamau oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in go’aanka diidmada ah ee maxkamadda in aysan ka dhigneyn inay Kenya guuldareysatay, balse uu rajeynayo in tallabo horay loo qaado.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay isaga oo ka hadlayay arrimaha la xidhiidha sida uu u dhacayo dhageysiga kiiska dacwadda ayuu sheegay in la eego xaaladaha Cudurka Coronavirus ee halista ah, in kastoo Maxkamaddu sheegtay in sitoos ah ay wafdiyo u soo kala dirsanayaan labada dhinac.

 

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa waxaa la filayaa inay go’aan rasmi ah ka gaadho kiiska dacwadda Badda, waxana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay rajo wyen ka qabto in  ay dacwadda ku guulaysato.


Loading...
Loading...