Dardaarankii Suld. Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Uga Tagay Guddoomiyayaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI

0
Monday February 15, 2021 - 19:48:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dardaarankii Suld. Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Uga Tagay Guddoomiyayaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI

    "Waayo khilaafku ma fiicna, khilaaf uun ayeynu dhawr iyo tobban sanno eeganaynay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waayo khilaafku ma fiicna, khilaaf uun ayeynu dhawr iyo tobban sanno eeganaynay"

Hargeysa, (HWN)-  Alle-ha-naxariistii Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo jimicihii 12-kii bishan Feberweri  2021-ka ee toddobaadkii hore ku geeriyooday Magaalada Hargeysa,isla markaana maalintii sabtidii toddobaadkan 13,2,2021-ka aas Qaran loogu sameeyey guddaha Magaalada Hargeysa,ayaa ka hor inta aanu geeriyoon sideed cisho ka hor oo ku beegnayd 4-tii Feberweri 2021-ka isagoo madal xaflad ah ka hadlayey ayaa waxa uu halkaas ka jeediyey haddalo dar-daaran iyo duco ah,isagoo alle-ha-unaxariistii si gaar ah ula dar-daarmay Beesha Garxajis iyo cirro Iyo Faysal

 

Alle-ha-unaxariistee Suldaan Maxamed  Suldaan Cabdiqaadir ayaa waxa kamid ahaa  dar-daarankiisi " Annigu waxa aan leeyahay  dadkiina meeshan iskugu yimi been ha isku sheegina’e,waar labadaa Xisbi sidii aad mid ugu dhigi lahaydeen ku dedaala, waa ta keliya  ee aad guusha ku gaadhaysaan, lakiin haddii aad sidan u wadaan,weligiina soo bixi maysaan cid idinka mid ahna  soo saari karimaysaan .”

 

Dhanka kalene Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir alle-ha-unaxariistee ayaa kula dar-daarmay beeshiisa inay ka fogadaan khilaafka,isla markaana loo baahan yahay midnimo iyo wada jir  "Waayo khilaafku ma fiicna, khilaaf uun ayeynu dhawr iyo tobban sanno eeganaynay  Faysal iyo WADDANI, waxay ahaayeen Xisbi keliya,haddii ay maanta kale tageen danta ay ku kale tageen waa teena, dad weynaha waxa waajibkooduu yahay dadkoodu marka ay kale tegayaan in ay isku soo celiyaan,waar bal waxa aad leedihiin tartan ayaanu gelaynaa, KULMIYE muxuu guusha ku gaadhay, waa midnimo, maxaydin guusha ku gaadhaysaan idinka oo laba kooxood ah, waxay ila tahay waa ayaan darro.” Ayuu yidhi alle-ha-unaxariistee Suldaan Maxamed

 

Ugu Dambayne Alle-ha-unaxariistee Suldaan Maxamed ayaa ku taliyey in sidii hal Xisbi awooda loo saari lahaa laga tashado, waxaanu sheegay in aanu tafaraaruq faa’iido iyo guul lagu gaadhi Karin "Sidii aynu u midayn lahayn labadii Xisbi  falawgeeda ka hadla oo waajibaadkeeda qabta, dhaqaale wixii ay u baahan yihiin weynu bixin karri lahayn, awood-na weynu u samayn karri lahayn, laakiin in aynu kala arrino adeer anniga faa’iidona iima laha adigana faa’iido kuma laha, wax bilaa faa’iido ah haddii aynu wadno, weligeed-ba guushu inoo iman mayso,laakiin mida keliya ee guushu inoogu iman kartaa waxa weeye in aydin dedaashaan  oo isku soo celisaan, Xisbi keliya mooyee laba Xisbi ma wadda maamuli kartaan.” ayuu yidhi Suldaanku.


Loading...
Loading...