Guddiga Farsamada Ee Doorashada Soomaaliya Oo Kulan Uga Furmay Baydhabo

0
Monday February 15, 2021 - 19:41:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Farsamada Ee Doorashada Soomaaliya Oo Kulan Uga Furmay Baydhabo

    "Shirkii madaxda Soomaaliya ay uga arinsanayeen arimaha doorashada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shirkii madaxda Soomaaliya ay uga arinsanayeen arimaha doorashada"

Guddi uu shalay magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kana shaqeyn doona qaban qaabada shirka ay madaxda Soomaaliya ka yeelan doonaan arimaha doorashada ayaa galabta shir uga furmay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.



Wasiirka arimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi iyo Wasiirka dastuurka dowladda federaalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan xubnaha guddiga ay joogaan Baydhabo.


Ras’iisal wasaare Rooble ayaa khadka Zoom-ka kula hadlay guddiga, isagoo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha loo igmaday. Guddiga oo ka kooban 14 xubnood ayaa "u gogol xaaraya shirka golaha wadatashiga qaranka ay isugu imanayaan si loo dhamaystiro wadahadalada arimaha doorashada,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.


Shirkii madaxda Soomaaliya ay uga arinsanayeen arimaha doorashada ee horraantii bishan ka dhacay Dhuusamareeb ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan.


Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

 

BBC

Loading...
Loading...