Musharixiinta Muuse Biixi Xidhay Oo Xaaladooda Laga Dayrinayo, Eheladooda Oo Loo Diiday Iyo Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay

0
Monday February 15, 2021 - 13:05:09 in News by
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharixiinta Muuse Biixi Xidhay Oo Xaaladooda Laga Dayrinayo, Eheladooda Oo Loo Diiday Iyo Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay

    Musharixiinta Muuse Biixi Xidhay Oo Xaaladooda Laga Dayrinayo, Eheladooda Oo Loo Diiday Iyo Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharixiinta Muuse Biixi Xidhay Oo Xaaladooda Laga Dayrinayo, Eheladooda Oo Loo Diiday Iyo Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay

Hargeysa(HWN):-Xisbiga UCID, ayaa cambaareeyey tallaabo uu sheegay in loogu diiday Ehelada Murrashaxiinta Xisbigaas ka yirsan ee Mandheera ku xidhan in ay arkaan.
May be an image of 2 people and text



Xoghayah Warfaafijta Xisbiga UCID Yusuf Kayse oo arrintan ka hadlay, ayaa yidhi"Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka UCID' waxa uu si adag u Cambaaraynayaa Falka foosha Xun ee Shalay loogu Diiday inay Xabsiga Madheera ku booqdaan Eheladii iyo Qoysadkii ay ka soo jeedeen Labada Murashax ee kala Maxamuud Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yuusuf oo 8dii BISHAN 2/2021 ka ay Xabsiga Madheera u u taxaabat Xukuumadda Xisbiga Kulmiye iyada oo Dambe looga dhigay labadaasi muwaadin maxaad Xisbiga UCID iskaga Sharaxaysaan.

Xisbiga Ucid waxa uu War war weyn ka qabaa Xaaladda Caafimaad ee Labadan Murashax ee Xukuumadda sifaha sharci darada ugu xidhan Maadaama siday Ehelada iyo Qoysaska labadan Murashax oo Xisbiga UCID la soo xidhiidhay ay noo Xaqiijiyeen markii ay Dad Waalidiinta iyo Ehelada labada muwaadin oo xidhani ka mida markii ay Shalay iyo Doraad oo ay Xabsiga Madheerra tageen markii ay halka gaadheen loo diiday inay Arkaan Inamadooda halka ku Xidhan iyada oo lagu Wargeliyey Amar Madaxtooyadda Somaliland uga yimid Taliska Xabsiga Madheera lagu amray in aanay labadaasi Nin ee xidhan loo ogolayn Ehelkooda' Xisbiga ay ka tirsan yihiin ee UCID iyo cid kasta oo doonaysa inay arkaan aan loo ogolayn balse fariinta cida booqanaysa labadaasi Nin loo marin karo Askarta Illaaladda Xabsiga hadba cidii shaqada u leh.

Ugu dambayn Talaabooyinka noocaasi ee Xukuumadda Somaliland ku kacayso' ayaa ah kuwo Aan Sharciyadda qaranka Somaliland iyo Qawaaniinta kale ee dalka midna meel kaga oolin oo ku Takrifal Awoodeed iyo Kutimasho Sharciyadeed aan la aqbali karin uu Xisbiga Mucaaridka UCID u arko.
In Madaxtooyadda Somaliland Amarka Laga Bixiyey Loogu Diiday Inay Qoysaskii Labada Murashax ee Dowladda Somaliland Xidhay Arkaan Inamadooda Sharci darada ku Xidhan ay Arkaan Xaaladdoodu siday tahay.

Ugu Danbayn Waxaanu ugu Baaqaynaa Xukuumadda JSL in ay Joojisa Falkaa awood sheegashada ah Ee ay kula kacday Ehelada Musharaxiinta Ee Booqashada ugu Tagay,Arintani Waxay Wer wer iyo Walaac ku Keenaysaa Xisbiga iyo Ehelada Musharaxiintaba Waxaanan Leenahay Xukuumadu ha ka Waan-towdo Talaabooyinka Sidan oo Kale ah oo Dhawaac wayn u Gaysanaysa Nidaamka Dimuqraadiga ah Ee Aynu ku Soo Caano-maalnay 30 Sanadood ee u Danbeeyay"


 

Loading...
Loading...