Wasiir Koore Oo Lagu Dhaliilay Talaabada Uu Xilka Kaga Qaaday Agaasime Waji Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa

0
Monday February 15, 2021 - 12:48:41 in News by
  • Visits: 1720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Koore Oo Lagu Dhaliilay Talaabada Uu Xilka Kaga Qaaday Agaasime Waji Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa

    Wasiir Koore Oo Lagu Dhaliilay Talaabada Uu Xilka Kaga Qaaday Agaasime Waji Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Koore Oo Lagu Dhaliilay Talaabada Uu Xilka Kaga Qaaday Agaasime Waji Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa


Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag u dhaliilay talaabada xilka lagaga qaaday agaasimihii telefishanka qaranka Maxamed Xasan Cali Waji oo  xaalad caafimaad u jiifa.




xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray ku dhaliilay wasiir Saleebana Cali Koore oo xil ka qaadista ku sameeyey agaasimihii telefishanka qaranka, waxaanu ku yidhi qoraalkiisa:-

Damiirka dawladnimadeena waxa aad ka dheehan kartaa afcaasha Madaxda Xukumaddu samayso. Shalay waxa isaga oo xanuunsan, Oo dhakhtar yaala shaqadii uu qaranka muddo u hayey si ka baxsan milgaha dawladnimo iyo damiirka umadda looga caydhiyay Agaasimihii Tv-ga qaranka Mohamed Hassan Ali (Waji) !

Mohamed Xasan Ali (Waji) waa khabiir saxaafadda Somalida ku soo jiray muddo aad u dheer oo leh waaya Aragnimo, Akhlaaq, iyo Aqoon saxaafaddeed sidoo kalena door micno iyo mug leh ku lahaa dib u yag-leelidii warbaahinta Somaliland kana mid ahaa dadkii sees-ka u dhigay.
Waxaa uu mudnaa in la daryeelo caafimaad-kiisa la baxnaaniyo kadibna haddii xil laga qaadaayo markaas lala sugo, Iyada oo aanay habboonayn in qofna la eryo isaga oo xanuusanaya. Waxa yaab iyo Amakaag leh sababta ragga kale ee xilalka xukumadda ka haya markay bukoodaan dhakhtaro dibaddeed loo geeyo Wajina in Dhakhtar dibaddeed la geeyo diyaaradna la saaro iska daaye isaga oo Sariirtiisi jiifa in shaqadi qaranka laga caydhiyo ayaa la gaadhsiiyey!
Waji muwaadin maaha miya? la xuquuq iyo xurmo maaha kuwa xukumadda xilka ka haya miya? Laakin waxa Alle mahadi ah in Shacabka Somaliland Abaal iyo Ogaal ugu hayaan Waji wuxu qaranka u qabtay 30 sanno.

Arrintani waxay niyad jab wayn ku tahay beelaha la hayb sooco oo dad koobani bulshada ka dhex muuqdaan, Xukumaddana waxaa waajib ku ah inay dadkaas kooban aanay han jabin ee ay kor u qaado Wajina Wasiir buuxa ayuu istaahila ee ma Istaahilo Agaasime waaxeed waa haddii Somaliland quruxdeeda la rabo.
Loading...
Loading...