Khayre: Qof Qaran Ayuu Ahaa Gen. Galaal, Dowladduna Waxay aheyd Inay Muujiso Sida Ay Uga Xanuunsaneyso Geeridiisa

0
Monday February 15, 2021 - 08:41:56 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khayre: Qof Qaran Ayuu Ahaa Gen. Galaal, Dowladduna Waxay aheyd Inay Muujiso Sida Ay Uga Xanuunsaneyso Geeridiisa

    "Waxay aheyd in qaranku fidiyo gogoshaan, sababtoo ah qofk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay aheyd in qaranku fidiyo gogoshaan, sababtoo ah qofk


Image result for kheyre

Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa Muqdisho uga qeyb galay gogosha tacsida Alle ha u naxariistee Generaal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotel Afrik.

 

Mudane Khayre ayaa Generaal-ka Allah uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, waxuuna dhammaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Nuur Galaal oo ahaa astaan qaran oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u shaqeeyay cimrigiisa inta ugu badan.

 

"Waxay aheyd in qaranku fidiyo gogoshaan, sababtoo ah qofka dhintay waxuu ahaa qof qaran, muhiimadda iyo ahmiyadda ugu weynna waxay tahay in ay dowladdu u abaal guddo, oo ay muujiso sida ay uga xanuunsaneyso dadka usoo dhintay ee astaanta u ah qarannimada Soomaaliyeed”

 

General Galaal wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu aqoonta, tababarka iyo darajo sareysay ee hogaamin jirtay ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee lagu tilmaami jiray libaaxyadii Afrika. Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay ee noloshiisa ahaa odey waayo arag ah oo kaalin muuqato ku leh nabadeynta iyo dhab u heshiisiinta bulshada.


Loading...
Loading...