"Xil Ka Qaadista Waji Dawladnimada Iyo Damiirkaba Way Ka Baxsantay" Xisbiga Waddani

0
Monday February 15, 2021 - 08:43:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xil Ka Qaadista Waji Dawladnimada Iyo Damiirkaba Way Ka Baxsantay" Xisbiga Waddani

    "Damiirka Dawladnimadeena Waxa Aad Ka Dheehan Kartaa Afcaasha Madaxda Xukumaddu Samayso"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Damiirka Dawladnimadeena Waxa Aad Ka Dheehan Kartaa Afcaasha Madaxda Xukumaddu Samayso"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Xisbiga Waddani Khadar Husein Abdi ayaa xukuumada Muuse Biixi ku dhaliilay xil ka qaadis ay ku samaysay Maxamed Xasan Cali Waji oo ahaa agaasimihii TV-ga Qaranka, isagoo xaalad caafimaad ujiifa mid kamid ah cisbitaalada Hargaysa.




Xoghayaha ayaa qoraal uu xil ka qaadista Waji ku dhaliilayo ku baahiyay baraha Bulshada, waxaanu qoraalkaasi uqornaa sidan:-

 

Damiirka dawladnimadeena waxa aad ka dheehan kartaa afcaasha Madaxda Xukumaddu samayso. Shalay waxa isaga oo xanuunsan, Oo dhakhtar yaala shaqadii uu qaranka muddo u hayey si ka baxsan milgaha dawladnimo iyo damiirka umadda looga caydhiyay Agaasimihii Tv-ga qaranka Mohamed Hassan Ali (Waji) !


Mohamed Xasan Ali (Waji) waa khabiir saxaafadda Somalida ku soo jiray muddo aad u dheer oo leh waaya Aragnimo, Akhlaaq, iyo Aqoon saxaafaddeed sidoo kalena door micno iyo mug leh ku lahaa dib u yag-leelidii warbaahinta Somaliland kana mid ahaa dadkii sees-ka u dhigay.


Waxaa uu mudnaa in la daryeelo caafimaad-kiisa la baxnaaniyo kadibna haddii xil laga qaadaayo markaas lala sugo,

 

Iyada oo aanay habboonayn in qofna la eryo isaga oo xanuusanaya. Waxa yaab iyo Amakaag leh sababta ragga kale ee xilalka xukumadda ka haya markay bukoodaan dhakhtaro dibaddeed loo geeyo Wajina in Dhakhtar dibaddeed la geeyo diyaaradna la saaro iska daaye isaga oo Sariirtiisi jiifa in shaqadi qaranka laga caydhiyo ayaa la gaadhsiiyey!


Waji muwaadin maaha miya? la xuquuq iyo xurmo maaha kuwa xukumadda xilka ka haya miya? Laakin waxa Alle mahadi ah in Shacabka Somaliland Abaal iyo Ogaal ugu hayaan Waji wuxu qaranka u qabtay 30 sanno.


Arrintani waxay niyad jab wayn ku tahay beelaha la hayb sooco oo dad koobani bulshada ka dhex muuqdaan, Xukumaddana waxaa waajib ku ah inay dadkaas kooban aanay han jabin ee ay kor u qaado Wajina Wasiir buuxa ayuu istaahila ee ma Istaahilo Agaasime waaxeed waa haddii Somaliland quruxdeeda la rabo.

 

Loading...
Loading...