Xisbiga Waddani oo Dhaliilay Xukuumadda iyo Kulmiye oo ka Jawaabay

0
Monday February 15, 2021 - 08:32:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani oo Dhaliilay Xukuumadda iyo Kulmiye oo ka Jawaabay

    Xisbiyada Waddani Iyo Kumiye Oo Dhaliilo Iswaydaarsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Waddani Iyo Kumiye Oo Dhaliilo Iswaydaarsaday.

Hargeysa-(HWN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Xukuumadda ku eedeyey in ay dayaceen Agaasimaha cusub ee dhaqanka  Maxamed Cali Weji kaasi oo laga bedelay xilkii Agaasimaha telefashanka Qaranak .

 

Xoghayah Xisbiga Waddani , Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal usoo dhigay bogga baraha bulshadu ku kulanta ku sheegay in la dayacay , xilkiina laga qaaday Maxamed Cali Weji

 

"Damiirka dawladnimadeena waxa aad ka dheehan kartaa afcaasha Madaxda Xukumaddu samayso. Shalay waxa isaga oo xanuunsan, Oo dhakhtar yaala shaqadii uu qaranka muddo u hayey si ka baxsan milgaha dawladnimo iyo damiirka umadda looga caydhiyay Agaasimihii Tv-ga qaranka Maxamed Xassan Cali (Waji)” ayuu yidhi

 

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa hadalka Xoghayaha guud  ku sheegay mid  been abuur ah oo runta ka fog waxana uu yidhi  "Maanta iyo Been-abuurka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani. Maxamed Xasan Cali (Waji) shalay ayaa Wasiirka Warfaafintu u magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaarada Warfaafinta Qaranka Somaliland.Maxamed Xassan Cali (Waji) waxa looga maarmi waayay khibradiisa shaqo ee ku dhisan waayo aragnimo xeel -dheer iyo Dhaqan yaqaanimo .Waxa nasiib darro weyn ah in xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani ka beensheego xilka loo magacaabay agaasime Maxamed Xassan Cali (waji) kuna tilmaamay in la caydhiyay waana sida aad Jeclaan lahayd”.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta oo wax ka bedel ku sameeyey qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa Maxamed Cali Weji u bedel agaasimaha dhaqanka iyo wacyigelinta ee wasaaradda Warfaafinta


Loading...
Loading...