Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Saddex Dal Ee Afrika Ee Ay Ka Jiraan Idaacaddaha Ku Hadla Afka Dawladda Oo Keliya

0
Sunday February 14, 2021 - 15:15:37 in News by
  • Visits: 1701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Saddex Dal Ee Afrika Ee Ay Ka Jiraan Idaacaddaha Ku Hadla Afka Dawladda Oo Keliya

    Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Saddex Dal Ee Afrika Ee Ay Ka Jiraan Idaacaddaha Ku Hadla Afka Dawladda Oo Keliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Saddex Dal Ee Afrika Ee Ay Ka Jiraan Idaacaddaha Ku Hadla Afka Dawladda Oo Keliya


Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa noqotay dalka Saddexaad ee Qaaradda Afrika ee aan laga ogolayn in ay ka hawl galaan Idaacadda Madax bannaan, isla markaana ay ka jiraan oo keliya Idaacaddaha afka dawladda ku hadla.




Maanta oo kale, sannad kasta 13 Feb, waxa adduunka laga xusaa maalinta Idaacaddaha amma Radios, iyada oo maalinta si rasmi ah loo shaaciyey in loo aqoonsado sannadkii 2011-kii.

Warbixin uu soo saaray Machadka lagu magacaabo Horizon Institute, oo lagaga hadlay xuska maalinta Idaacaddaha adduunka, ayaa waxa si gooni ah loogu soo qaaday xaaladda Afrika, weliba Somaliland oo ay ka jirto Idaacadda keli ah oo afka Xukuumadda ku hadasha.

Warbixintan, waxa ay intaasi ku dartay in Daraasad laga sameeyey 34 waddan oo Afrika ku yaala in ay Idaacadduhu yihiin meesha bulshadu ka hesho warka iyo wixii xog ah ee jira.

Warbixintani, waxa ay xustay in Somaliland laga mamnuucay in ay ka hawl galaan Idaacadduhu 2004-tii, ka dib markii uu Wasiirkii Warfaafinta ee Wakhtigaasi wareegto uu ku joojiyey Idaacaddaha madax bannaan, iyada oo tallaabadan lagu tilmaamay mid sharciga iyo Distuurka Somaliland ka soo horjeeda.

Kumanaan dadweyne ah oo ka mid ah kuwa Somaliland ee reer-guuraha ah, kuwa tuullooyinka ku nool iyo weliba ku magaalooyinka, ayaa tallaabadan Idaacaddaha Somaliland lagaga mamnuucay ku waayey xaqii ay u lahaayeen war helida, Waxbarashada iyo wacyi gelintii ay u baahnaayeen.

Kootada Radio Hargeysa loogu xidhay in ay noqoto Idaacadda keliya ee Somaliland laga dhegeysto, ayaa qaybo badan oo ka mid ah bulshada Somaliland, dhibaato iyo faa’iiddo daro ku ah, madaama oo wararka Idaacaddu u badan yihiin kuwo la xidhiidha Siyaasadda, gaar ahaan dhacdooyinka ka dhaca Caasimadda, sida warbixinta Horizon sheegtay.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixintu, waxa ay soo jeedisay in la helno Idaacaddo bulsho oo dadka ka Miyiga iyo deegaannada ka fog magaalooyinka ka haqab tiraan wararka iyo arrimaha kale ee bulshada la xidhiidha.


Loading...
Loading...