Xisbiga Kulmiye Oo Go'aan Ka Gaadhay Musharaxnimada Siyaasi Ka Tirsanaa Xisbiga Waddani

0
Sunday February 14, 2021 - 14:03:31 in News by
  • Visits: 2838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Oo Go'aan Ka Gaadhay Musharaxnimada Siyaasi Ka Tirsanaa Xisbiga Waddani

    Xisbiga Kulmiye Oo Go'aan Ka Gaadhay Musharaxnimada Siyaasi Ka Tirsanaa Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye Oo Go'aan Ka Gaadhay Musharaxnimada Siyaasi Ka Tirsanaa Xisbiga Waddani

Hargeysa(HWN):-Hoggaanka sare ee xisbiga Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah u aqbalay murrashaxnimada Mudane, Axmed Aadan Yoonis (Juxa) oo u tartamaya golaha deegaanka degmada Hargeysa iyo Axmed Nuur Guruuje oo xisbiga KULMIYE uga qaybgeli doona tartanka golaha wakiillada ee gobolka Maroodi-jeex.
May be an image of 1 person and standing



Munaasibadda uu xisbigu ku aqbalay inay labadan murrashax xisbiga ku metelaan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sannadkan dalka ka qorshaysan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee KULMIYE, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Maroodi-jeex, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), Afhayeenka Kulmiye, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Farxaan Aadan Haybe, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, siyaasiyiin, xildhibaanno, salaadiin, aqoonyahan, haween iyo dadweyne aad u tiro badan oo kamid ah taageerayaasha murrashaxiinta xisbigu aqbalay, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya shakhsiyadda rasmiga ah ee labadan murrashax iyo sida ay ugu habboon yihiin inay kamid noqdaan goleyaasha ay raacdada ugu jiraan.

Qaar kamid ah salaadiinta iyo cuqaasha ay isku deegaanka yihiin labada murrashax ee Axmed Nuur Guruuje iyo Axmed Yoonis Juxa oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa caddeeyey inay deegaan ahaan ka midaysan yihiin taageerada murrashaxiintan, islamarkaana ay talo iyo fikir dheer kaddib isla garteen inay uga qaybgalaan tartanka dhawaan loo geli doono kuraasta goleyaasha deegaanka iyo wakiillada.

La-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde oo goobta ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey labadan murrashax ee deegaankoodu sida midaysan isugu soo raaceen, waxana uu u rajeeyey guul ay ku gaadhaan yoolkooda.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, ayaa isaguna dhinaciisa soo dhaweeyey murrashaxiinta cusub, waxana bulshada u dhaqan deegaannada ay kasoo jeedaan kula dardaarmay inay codkooda iyo cududdoodaba ku garab galaan sidii ay guul uga soo hoyn lahaayeen doorashooyinka soo socda ee ay ka qaybgeli doonaan.

Loading...
Loading...