Dowladda Oo Dhagxaan Ku Xirtay Mid Kamid Ah Isgoysyada Ku Yaal Muqdisho

0
Sunday February 14, 2021 - 09:44:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Oo Dhagxaan Ku Xirtay Mid Kamid Ah Isgoysyada Ku Yaal Muqdisho

    Dhagxaanta oo ay dejiyeen Gawaari waaweyn oo lagu raray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhagxaanta oo ay dejiyeen Gawaari waaweyn oo lagu raray




Hay’adaha Ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagxaan waawyen ku xirtay Isgoyska dabka ee Magaalada muqdisho, kadib markii gaari xoog uga soo gudbay uu shalay ku qarxay koontoroolka isgoyska Sayidka.

 

Dhagxaanta oo ay dejiyeen Gawaari waaweyn oo lagu raray ayaa waxaa lagu jaray Isgoyska dabka, waxaana meesha ka baxay Gawaaridii ka imaan jirtay dhinaca Isgoyska Bakaaraha ee u soo gudbi jiray dhinaca kale ee degmada Waaberi.

Dad saaka tegay isgoyska dabka ayaa sheegay inay arkeen dhagxaanta waaweyn ee halkaasi lagu xiray , isl markaana ay caqabad ku tahay Gawaarida ka imaata dhinaca isgoyska Dabka.

 

Wadoyinka jidcadayaasha eek u yaal degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa horay dowladda Soomaaliya ay ugu jartay dhagxaan waaweyn, hayeeshee weli ay muqdisho ka dhacayaan qaraxyada.





 

Loading...
Loading...