Dardaaran iyo Tilmaan Ku Socota Suldaan Daauud: Musharrixiintii CCB ee Golaha Degaanka Hargeysa.

0
Sunday February 14, 2021 - 09:18:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dardaaran iyo Tilmaan Ku Socota Suldaan Daauud: Musharrixiintii CCB ee Golaha Degaanka Hargeysa.

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

Suldaan Daauud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleedow Eebbe ha kugu guuleeyo xilka laguu  cumaamaday ee aad dhaxashay. Kuma aad imannin karti aad dadka dheer tahay, waxaad se ku hanatay inaad tahay curadkii Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir ilaahay ha u naxariisto. Waa kursi Somaliland ugu jira halka Boqortooyadu u tahay Ingiriiska.



Walaw aan abtirsiimada adeer ugu ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir waxa uu waalid iigu ahaa da'da. Sidaas awgeed ayaan xurmo ugu hayay oo aan uga gaabsan jiray wax badan. Weliba muu ahayn ninka arrin, adduun ama aragti San ula tegay ama kala hadlay "Maya' yidhi. Xurmo aan duugoobayn ayuu iga mudnaa.


Adiga awow baan kuu ahay, gu'gana waan kaa weynahay. Mar haddii xilkaas aad haysaa uu yahay mid taabanaya masiirkayga dhaqan, kama gabban doono inaan wixii lib iyo gef ahba sheego. Nin suldaankiisa la hadlna ergo kama furna. Aaskina wuu dhammaaday Alle godka ha u nuuro Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir. Mar kale ayaan sooyaalkiisa dhawr qormo ku milicsan doonaa insha Allah.


Aniga oo qof ahaan kuu iman kara, kula faqi kara, ama si hoose wax kuu odhan kara waxa aan doorbiday in aan farriin kuu soo dhigo Warbaahinta Bulshda. Xalka aad la gaadho iyo habka aad u maarayso ayaa lagu waajihi doonaa. Ma rabo inay noqoto wax qol madaw lagu faaqido oo waxba ka socon waayaan. Gees loaadna kulaylka ayaa lagu karaa. Ilaahay ayaa arka, ummadduna waa ka marag.


Somaliland, Isaaq, Garaxajis iyo Ciidagale marka laga tago waxa jira ardaa la yidhaahdo Cabdi Ciise iyo Bahihiisa. Guddi ayaa loo saaray kalaxulista musharriixinta Golaha degaanka Hargeysa, goaankii ay soo saareenna Kursiga Suldaanka Guud ayaa lagu daadifeeyay.


Haddii aad dhex ka noqoto waxa aad Suldaan u ahaan doontaa guddidii garsoorka iyo musharraxa la cumaamaday iyo Kooxda ku qanci weyday xulashada. Gari baba nin kama wada qosliso. Haddii aad dhinacii wax laga xukumay raacdana dhanka kale ma Suldaan la'aan doono. Inta xaajadu ay Xildhibaanka ka durugto ayaa Suldaanka la isugu iman. Weli waxa bannaan jagadii uu ka geeriyooday Suldaan Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare IHUN oo xijaabtay 28kii Feberweri 2016ka.


Ku dar tirada inaanan maanta jalleeco Suldaan ka baqanayn. Caddaaladdu maaha in jufo ka mid ah CCB aanay kursi waayi karin. Ima khuseeyaan dadka xafladaha ka botoriyay ee kale, madax-dhaqameedka Guud inuu dhex ahaado ayay tahay.


Ku darso tirada idinka ayaa haya:

1. Suldaanka Guud

2. Guddoomiyaha UCID oo hiil u ah bahda aan ergada ku qancin

3. Xildhibaanka la degaya golaha Wakiillada


Talada musharrixiinta Golaha degaanka ee CCB uma yaallo qabiil Guud iyo qaran. Tallaabada kowaad ee lagaa sugayaa waa sidii aad ummadda u midayn lahayd. Anigu ma midayn karo oo xil beeleed ma hayo, kursi beeleedna ma rabo, wixii togan ee la isku raacana ka aan diidin baan ahay. Si aad yeeshaba Loogow lagaaga fadhiyee.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...