Somaliya Oo Soo Dhawaysay Go'aan Ay Soo Saartay Maxkamada Adduunka Ee Ku Saabsa Dacwada Badda.

0
Sunday February 14, 2021 - 08:41:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Oo Soo Dhawaysay Go'aan Ay Soo Saartay Maxkamada Adduunka Ee Ku Saabsa Dacwada Badda.

    "xaq iyo caddaaladna ku helno doodeenna iyo dacwaddeenna."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"xaq iyo caddaaladna ku helno doodeenna iyo dacwaddeenna."

Muqdisho, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynasyo go’aan kama dambeysta ah ee shalay galab Maxkamadda Adduunku ay ku laashay codsigii Kenya ay ku dooneysay in mar kale la dib dhigo dhageysiga dacwadda baddeena ee ay ina ku haystaan hoggaanka dalkaas.

 

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay si mug leh ugu diyaar garoobeen in ay difaacdaan xaqooda soo jireenka ah ee xuduud biyoodka ay la wadaagaan dalka Kenya, iyadoo lagu ballansan yahay in dhageysiga dacwadda ay qabato Maxkamadda Aduunku 15-19 Bisha Maarso ee sanadkan.

 

"Waxaan shacbi weynaha Soomaaliyeed u sheegayaa innagoo ku kalsoon Ilaahey, ku kalsoon taageerada iyo garab istaagga mar walba aad dowladda Soomaaliya la barbar taagan tihiin in aynu ku matalno danta ummadda Soomaaliyeed, xaq iyo caddaaladna ku helno doodeenna iyo dacwaddeenna.”

 

Ra’isuul Wasaare Mahdi oo uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxdooda iyo dowladdooda dacwadda hortaalla Maxkamadda Adduunka ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadin kasta, gaar ahaan hormuudka bulshada in ay si dhow u gutaan doorka qaran ee kaga aaddan difaaca baddeena, midnimo iyo wadajirna aynu ku wajahno damaca qaawan ee Kenya.

 

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo habeen iyo dharaarba heegan u ahaa miro dhalka dacwaddan, si dhowna ula shaqeynayey khubarada sharciga iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee dacwaddan gacanta ku haya.

 

---DHAMMAAD----


Loading...
Loading...