Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) Oo Kala naqaysanaya Ardaayaddii Reer Somaliland,
Yaabka ka soo yeedha Muuse Biixi Cabdi waa ka dar oo dibi dhal. Inkastoo aan marar badan iftiimiyay nooca uu yahay oo aan maqaalo hore ka qoray kuna naanaysay (Wax Ma Yaqaan) oo aan ka soo dheegtay heestii Wax Ma Yaqaan ee Alle ha u naxariiste abwaan Yuusuf Aadan Xuseen ee ururkii dhalinyaraduna ku luuqayn jireen. Haddana isaga ayaa si toos ah ii xadanteeya oo ii kiciya, kolba falka guracan ee ka soo yeedhaya. Hadda waxa uu marayaa heer aan loo dulqaadan karin isaga iyo camal xumadiisa, haddii aanu nahay dadwaynahana ka aamusi mayno ee carroogii aanu daba sidan jiray madaxwayne Cigaal, Siilaanyo iyo Riyaale ayaanu daba qaadaynaa tan iyo maalinta uu kursiga ka dagayo, oo aanu waliba ku sii orin doonna anaga oo ku dhawaaqayna "Nadhaaf Wax ma Yaqaanyahow, wax loo diray hagaajin waa”
Aw-Jaamac Cumar Ciise ayaa markii uu qoray buugii taariikhdii daraawiishta ka maarmi waayay in uu qabiilooyinkii ay ahaayeen dadkii taariikhdaasi khusaysay ku xuso buugga, taasi oo xilligaa waliba ay mamnuuc ahayd qabyaaladdu oo Siyaad Barre mamnuucay. Kolkaa aniga oo aan jeclayn qabyaalada ogna inay tahay ta kaliya ee la hadhay ee ay ka kori waayeen ummada Somaliland iyo ta soomaaliyeedba, ayaa ay markan falalka xun xun ee Muuse khasab igaga dhigtay inaan magacaabo saddex ardaa oo reer Somaliland ah oo uu kula dul kufay ficil aan haboonayn, mudanna in wax laga yidhaa oo aan laga aamusin. Hadii kale waxay noqonaysaa in uu sii jidaysto kuwo kuwan ka sii xun, muddada labada sanno ah ee u hadhay.
Tol-jecle, Ayuub, iyo Gabooye ayaa uu ka soo naqeeyay ardaayadii kale ee reer Somaliland, isagoo Gabooye ka meeraystay ilayn waa ila meerayso’e. Labada kale ee Tol-jecle iyo Ayuubna si cad ayuu ugu sheegay in aanay iska soo sharaxayn xisbiga Kulmiye ee jeebkiisa ku jira oo uu u maamulo siduu doono. Taasi oo wax badan ka iftiiminaysa qofka uu yahay Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan). Arrintani waxa ay beenaynaysaa hadal uu maalmo uun ka hor ku sheegay waraysi ay BBC da oo wariye Catoosh ka socday ay ka qaaday, kaasi oo uu isku tilmaamay in uu yahay nin da’ah oo uu duceeya, kana fikira wanaaga iyo dad isku wadka reer Somaliland. Wanaagsannaan lahaydaa taas oo run ahi, nasiib darro ta ugu waynina waa in uu Muuse ka shaqeeyo taas cakiskeeda. Wuxii uu kuu sheego sida kale uun u roggo waayo siyaasada ayuu u yaqaana in qaabka noocaas ah loo ciyaaro. Wayse ka qaldan tahay oo waxa uu wali ku dhaqmayaa siyaasadii uu ka soo bilaabay Ayda Ethiopia, xilligii uu ka tirsanaa Ururkii SNM. Markaa lafteeda waxa uu ahaa mid fadqalo iyo xamxam ururka kula dhex jiray, marnaba maa uu ahayn ragga wax la waydiiyo ee waxa uu haa kuwa laga xan qarsado. Allow maxaa rag aakhiro u jiitya oo aan maanta jaahoodu muuqan.
Ma dareensana in kala naqaysigga uu kala miidhayo dadka reer Somaliland in wax uu ku waayo mooyee wax faa’iida ah iyo wax uga kordhayaa aanay jirin. Siyaasiyan haddii doorashooyin loo dareerayo kama maarantid hal qof, iska daa ardaayo dhan oo saddex ah. Waxaanay taasi markasta ka marag kacaysaa sidaa aanu waxba uga bawsan siyaasadda iyo sida ay u shaqayso ee uu wali damiin ka yahay. Ma maanta oo kale ayaa dad codaynaya oo muwaadiniinta dalka u dhashay la iska eryaa? Tani waxa ay daaha ka sii rogaysaa inay saddexdaa iyo in kale oo badaniba ay fartooda ku aarsaan doonaan oo ay soo saari doonaan xildhibaano ka soo baxa Waddani iyo Ucid oo uu halkaa ku waayi doono xildhibaanadii dhaameelka ee habeenkii madaxtooyada looga yeedhi jiray sida kuwii la adeegsaday si loo ansixiyo maalgashigii qoys ku-macaashka ka ahaa ee Siilaanyo ku dhaxal wareejiyay dekaddii Ber-Bera ee Maktuub hoos geeyay, wax badanna aan laga dheefin.
Maqaalka ayaan jecelahay inaan ku soo afmeero fariin ku socota Muuse Biixi Cabdi Wax-Ma-Yaqaan, anigoo leh kala naqaysiga ardaayada reer Somaliland, ficilladaada khariban iyo kibirka aad hadba reer kula dul kufayso waad ka shalayndoontaa sidii Mataan Ciideed. Waxaana aan halkan xaal ka siinayaa saddexdaa ardaa ee gafka iyo waxa aan qaban lagula kacay ee laga sheegtay xisbigii qaranka. Waxaanan labadaa xisbi ee kale ku boorinaya inay afka ciidda u daraan doorashadda Deegaanka iyo Wakiiladda si cashar aanu iloobin ugu qaato kuna tiraabo kala naqaysiggaa Ardaayadda wax dan ah oo iigu jiray ma jirin waan qaatay ilayn waxaan ahay Muuse (Wax ma yaqaane).
Qore: Cabdi Muxumed.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!