Maxaa La Isugu Haystaa Madasha Shirka Muhiimka Ah Ee Doorashada Somaliya?

0
Sunday February 14, 2021 - 08:00:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa La Isugu Haystaa Madasha Shirka Muhiimka Ah Ee Doorashada Somaliya?

    "Waa Alle Mahadii haddii aan lalaheyn shirka ha lagu qabto wadanka bannaankiisa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa Alle Mahadii haddii aan lalaheyn shirka ha lagu qabto wadanka bannaankiisa"

Tan iyo markii dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay shir looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya oo sida uu sheegay lagu qabanayo 15-ka bishaan magaalada Garowe ayaan ilaa iyo hadda la isku raacin halkii shirkaas muhiimka ah lagu qaban lahaa maadama Puntland iyaduna ay ku baaqday in shirku uu ka dhaco Muqdisho taas oo keentay in mar kale dowladda dhexe ay ku celiso mowqifkeedii ahaa in shirku uu Garowe ka dhaco.




Haddaba Maxaa la isugu hastaa halkii shirku ka dhici lahaa?


Maamulka Puntland horey ayaa horey u sheegay in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aaney madaxweyne u aqoonsaneyn marka uu dhamaado muddo xileedkiisa oo ku ekaa sideedii bishaan Febraayo.


Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, oo ah wasiirka warfaafinta maamulkaas ayaa BBC-da ugu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ugu yeeri doonaan marka uu xilku ka dhamaado madaxweynihii hore.


Markii ay ka jawaabayeen baaqa Madaxweyne Maxamaed Cabdullaahi Framaajo ayaa sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay in aan lagala tashan in Garoowe shirka lagu qabto sidaas daraadeedna ay iyaguna ku baaqayaan in Muqdisho loo weeciyo.


Maamulka Jubland iyo qaar ka mid ah Musharixiinta Mucaardka ayaa iyaguna ku raacay oo xoojiyay baaqa Puntland ee ahaa in shirka Muqdisho lagu qabto.


Sababta magaalada Muqdisho loo siinayo muhiimadda inuu shirku ka dhaco ayaa ah inay xaruun u tahay dowladda dhexe ayna sidoo kale ku yaallaan xaruumaha wadamada beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya maadama in badan oo hoggaamiyaasha Soomaaliya ka mid ah ay daneynayaan in shirka ay goobjoog ka noqdaan xubanaha saaxiibbada Soomaaliya.


Balse Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu Puntland u doortay inuu cadaalad u sameeyo maamul goballeedyada maadama horey ay shirar uga dhaceen Xamar iyo Dhuusamareeb.


"Shirar badan ayaa la qabtay sidaad ogtahay inta badana waxey ka dhaceen Galmudug iyo xamar Puntland-na madaxweynuhu wuxuu u doortay waa inuu cadaalad u sameeyo goballada haddii ay Puntlandna tiri Xamar ha lagu qabtana hadde Xamar waa caasimaddii dalka taasi wax dhib ah malahan ayaan umaleynayaa" ayuu yiri Xildhibaan Zakariye oo ka qayb galayay barnaamijka doodad Jimcaha ee shalay ka baxay BBC-da.


Inkasta oo aan ilaa iyo hadda la isku raacin goobta lagu qabanayo wadahadllada haddana dad badan ayaa muhiim u arka in wadahadalladu ka dhacayaan gudaha Soomaaliya oo aaney ka dhaceyn dibadda oo wakhtiyo hore dhowr shir oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya lagu qabtay.


Cabdisiciid Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay muhiimadda koobaad tahay in shirku uu ka dhaco gudaha Soomaaliya,ayna tahay in shirka la qabto halkii la doono ha lagu qabte isla markaana xal laga gaaro arrimaha masiiriga ah ee hadda taagan.


"Waa Alle Mahadii haddii aan lalaheyn shirka ha lagu qabto wadanka bannaankiisa aad ayaan uga fiicanahay marar hore oo aan soo marnay iyo taariikho hore oo aan soo marnay mar hadii la isku haysto Puntland iyo Xamar meeshii lagu qabanayay marka waxaan oran lahaa waxba yaan la murugeyn meesha shirka lagu qabanyo waa wada dhul Soomaali waxaa muhiim ah in shirka la qabto" ayuu yiri Cabdisiciid oo BBC-da la hadlayay.


Walaaca laga qabo dib u dhac ku yimaada shirka

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inay soo afjaraan khilaafka ka dhashay heshiiska doorashada kaddib kulanka lagu wado in 15-ka bishan uu ka dhaco magaalada Garowe.Waxay ka digeen dib u dhac kasta oo ku yimaado shirka looga hadlayo arrimaha doorashada.


"Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su'aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah" ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka.


"Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay"

 

BBC

 

Loading...
Loading...