Dacwadda Uu Trump Ka Badbaaday Maxay Uga Dhigan Tahay?

0
Sunday February 14, 2021 - 07:55:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwadda Uu Trump Ka Badbaaday Maxay Uga Dhigan Tahay?

    "Si dhaw ulama socon karin hadba marxaladda ay dacwaddu mareysay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Si dhaw ulama socon karin hadba marxaladda ay dacwaddu mareysay,"

Aqalka sare ee Mareykanka ayaa shan maalmood kaddib soo afmeeray dacwaddii Donald Trump ee uu waday. Sida horayba loo saadaalinayey, go'aanka ugu dambeeya wuxuu noqday inuu wax lug ah ku laheen weerarki bishii hore lagu qaaday aqalka Koongreska Mareykanka.




Taariikhda Mareykanka waxaa horay uga dhacay afar iskuday oo xil ka qaadis madaxweyne ah, balse dacwadda Trump ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay.


Muddada ay arrintan qaadatay intey doontaba ha la ekaatee, waxay yeelan doontaa saameyn.


Donald Trump

Dacwadda cusub iyo natiija tii hore la mid ah.


Trump ayaa markale ka guuleystay xisbiga dumuqraadiga dacwaddii ay la damacsanaayeen, kaddib marki ay si weyn u garab istaageen xubnaha xisbigiisa Jamhuuriga.


Codkii kama dambeysta ee amuurtan uu aqalka sare uu u qaadayna waxay ku dhammaatay diidma aqlabiyad oo ah 57/43 iyada oo dacawadda si ay u meel marto loo baahnaa cod aqlabiyad oo seddex meelood meel ah.


War saxaafadeed, madaxweynihii hore uu soo saaray wuxuu ugu dabaaldegay dacwadda lagu waayey.

Wuxuuna sida oo kale uu cambaareeyey xisbiga Dimuqraadiga isaga oo ku tilmaamay waxa ay ku dhaqaaqeen iney tahay billowga talaabbooyinka ay dalka la damacsan yihiin.


Mudanayaasha Jamhuuriga ee aqalka sare

Sanad ka hor dacwad tan la mid ah oo aqalka sare looga soo jeediyey Trump, waxaa u codeeyey Mitt Romney oo keli ah inkasta oo 6 mudane oo kale ay dib uga soo biireen.


Go'aanka kama dambeysta ah ee aqalka sare ka soo baxay ayaa lagu tilmaamay mid micna badan ugu fadhiya mustaqabalka Trump.


Waxaana la isweydiinayaa inuu Trump siyaasadda Mareykanka uu markale ku soo noqonayo, inuu taageerayaashiisa xusuusinayo dhaliilihiisii, iyo dacwadda socon weyday ma waxay noqoneysaa tilmaan muujineyso wajiga ay yeelan doonto doorashada xigta?


Joe Biden

Siyaasadda madaxweynaha xilka haya ee Joe Biden uu ku doonayey inuu madaxweynaha hore uu dacwad ku soo oogo gacan bir ahna uu ku qabto.


"Si dhaw ulama socon karin hadba marxaladda ay dacwaddu mareysay, maadaamaa uu ku mashquulsanaa jadwalka howlaha cudurka safmarka" ayuu yiri mas'uul ka tirsan aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo.


Biden inta ay dacwadda socotay wuxuu ka hadlay oo keli ah muuqaalki ku saabsanaa weerarkii taageerayaasha Trump ay u geysteen aqalka Koongreska ee marar badan laga sii daayey warbaahinta dalka Mareykanka.


Qareennada Donald Trump

Bruce Castor oo ah qareenka hoggaaminayey qareennada difaacayey Donald Trump wuxuu aqalka sare uu soo bandhigay dood kulul.


Wuxuuna soo bandhigay qodobbo uu ku difaacayey madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump isla-markaana uu ku burinayey eedihi loo soo jeediyey ee salka ku hayey weerarki ay taageerayaashiisa ku qaadeen aqalka Koongreska.


Madaxwaynihi hore ee Mareykanka Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa la sheegay in ay sare u kaceen falalka cunsuriyadda.


Qareenada u doodaya madaxwaynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay eedeymihii loo soo jeediyay ee xil ka qaadistiisa ay horey ugu sameeyeen aqalka wakiillada.


Qareennada ayaa waxay sheegen in taageerayaashiisa 6-dii bishii January weeraray xaruunta Congreska ay ahaayeen kuwa si iskood ah u sameeyay falkaasi oo uusan madaxwaynaha amrin.

 

BBC

 

Loading...
Loading...