Madaxweyne Farmaajo Oo Taariikh Khaldan Ka Sheegay Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

0
Saturday February 13, 2021 - 13:51:41 in News by
  • Visits: 3260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Taariikh Khaldan Ka Sheegay Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

    Madaxweyne Farmaajo Oo Taariikh Khaldan Ka Sheegay Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Taariikh Khaldan Ka Sheegay Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa tacsi uu ka diray geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir ku sheegay in uu ka mid ahaa xildhibaannadii Carta ee 2000 la doortay.
May be an image of 1 person



Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir wuxuu ka mid ahaa ergadii shirka Carta ka qayb gashay, markii uu dhammaaday waxa uu ku soo laabtay Hargeysa oo lagu xidhay Nofember 2000. Maalmo kaddib ayaa la sii daayay, waxaana markaas Hargeysa ka dhacay mudaharaad uu hal qof ku dhintay intaan xasuusto. Siyaasiyiintii shirkaas xildhibaannimada ku qabtay waxa ka mid ahaa Ismaaciil Hurre Buubaa.

Farmaajo ha iska hubiyo tacsida uu dirayo. Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u dhignaa sidan:

"Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir waxa uu ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey dib u yagleelidda Qarannimada dalkeenna iyo wadajirka shacabkeenna, isaga oo si gaar ah uga qeyb qaatay Shirkii Carta 2000, kana mid noqday Xildhibaannadii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd."

Loading...
Loading...