Madaxda Soomaaliya Maxay Ka Yidhaahdeen Geerida Suldaankii Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir?

0
Saturday February 13, 2021 - 13:21:55 in News by
  • Visits: 2068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Soomaaliya Maxay Ka Yidhaahdeen Geerida Suldaankii Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir?

    Madaxda Soomaaliya Maxay Ka Yidhaahdeen Geerida Suldaankii Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Soomaaliya Maxay Ka Yidhaahdeen Geerida Suldaankii Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir?

Hargeysa(HWN):-Madaxda dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale ayaa ka hadlay geerida alle haw naxariistee suldaankii guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u geeriyooday magaalada Hargeysa.
Image result for farmaajo


madaxda soomaaliya ayaa warar rasmi ah oo ay soo saareen waxay siyaaabo kale duwan uga hadleen geerida alle haw naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Madaxweyne Farmaajo.

war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada soomaaliya ayaa la sheega in madaxweynuhu kaga hadlay geerida alle haw naxariistee Suldaan Maxamed, warkaas oo u dhignaa sidan,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, dhaqanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha oo tilmaamay in Marxuumku uu door muuqda kasoo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo guud ahaan hoggaanka dhaqanka Soomaaliland geerida ku timid Marxuumka oo ahaa Suldaankii Guud ee Soomaaliland.

"Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir waxa uu ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey dib u yagleelidda Qarannimada dalkeenna iyo wadajirka shacabkeenna, isaga oo si gaar ah uga qeyb qaatay Shirkii Carta 2000, kana mid noqday Xildhibaannadii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd."
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

war ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Rooble ayaa lagaga hadlay geerida alle haw naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir kaas oo u dhignaa.

Waxaan qoyskii uu ka baxay iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Suldaanka ayaa kaalin muuqata oo shariif ah ku lahaa nabadda iyo dib-u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa hoggaanka dhaqanka Somaliland oo uu hormuudkooda ahaa.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu marxuumka jannadii Firdows ka waraabiyo, eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Raysal Wasaare Ku Xigeen Mahdi Maxamed Guuleed.

raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dhankiisa ka hadlay geerida alle haw naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaanu mar uu ka hadlayey geerida suldaanka "

Raysal Wasaarihii Hore Xasan Cali Khayre

Xasan Cali Khayre, raysal wasaarihii hore ee soomaaliya ayaa dhankiisa ka hadlay geerida suldaankii guud ee beelaha somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, war uu soo saaray ayaanu ku yidhi sidan:-

Waxaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaana shacabka reer Somaliland, bahda dhaqanka iyo qoyska uu ka baxay, uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo ahaa Suldaanka guud ee beelaha reer Somaliland.

Inta aan ka aqaanay Suldaan Maxamed oo Saldanadda uu ka geeriyooday hayay muddo 40 sano gaareyso, wuxuu astaan muuqato u ahaa Deeqsinimo, Run-sheegnimo, Wanaag Dhaqameed iyo Dulmi-naceyb. Wuxuuna Allah ha u naxariistee Suldaanku hayin lagu deydo u ahaa hogaamiye-dhaqameedyada kale ee Soomaalida.

Inaa Lilaah, waa inaa Ileyhi raajicuun, Naf walbaa waa tii geeri dhadhamiso.

Gudoomiyaha xisbiga Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

gudoomiyaha xisbiga Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhankiisa ka hadlay geerida marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, war uu soo saaray ayaanu ku yidhi :-

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, asxaabta, dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timid Allaha u naxariistee suldaanka guud ee dhaqanka Somaliland, suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, suldaan C/laahi, suldaan Diiriye oo caawa ku geeriyooday Hargeysa. Waxaan ilaaheey uga baryayaa in uu naxariistiisa huwiyo, ehelka iyo asxaabtaana sabar iyo iimaan ka siiyo. Aamiin


Loading...
Loading...