Prof. Jawaari Oo Sheegay Magac Cusub Oo Loogu Yeedhayo Farmaajo

0
Saturday February 13, 2021 - 09:10:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof. Jawaari Oo Sheegay Magac Cusub Oo Loogu Yeedhayo Farmaajo

    "Madaxweyne waa madaxweyne, wakhtigiisa afarta sano"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne waa madaxweyne, wakhtigiisa afarta sano"

Muqdisho (HWN) Gudoomiyahii hore Baarlamaanka Federaalka  Somaliya Prof. Maxamed Shiekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in madaxweynaha wakhtigiisa dhamaado loogu yeedhayo (ku-sime ama sii-haye).

 

Jawaari oo ka qeyb galaya barnaamij dood wadaag ah oo ka baxayay warbaahinta maxaliga ah ayaa la weydiiyay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaado waxa loogu yeedhi karo, wuxuuna sheegay inuu yahay Ku-sime, sidoo kalana awoodaha uu leeyahay ay noqonayaan kuwa aan sidii hore u awood badneyn.

 

"Madaxweyne waa madaxweyne, wakhtigiisa afarta sano wuxuu ahaa madaxweyne, balse hadda wuxuu noqonayaa sii haye, laakiin lama sheeg sheego, waxaa xadidmaaya hawlaha uu qaban karo, tusaale: heshiisyo caalami ah ma gali karo, waxyaalo waaweyn ma sameyn karo, laakiin madaxweyne waa madaxweyne,” ayuu yiri Prof. Jawaari.


Loading...
Loading...