Ilhan Cumar Oo Loo Magacaabay Xil Muhiim Ah

0
Saturday February 13, 2021 - 08:45:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhan Cumar Oo Loo Magacaabay Xil Muhiim Ah

    "Waxaa xitaa dhaliilay xubno ka tirsan xisbigeeda Dimuqraadiga kadibna raaligelin ayay ka bixisay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa xitaa dhaliilay xubno ka tirsan xisbigeeda Dimuqraadiga kadibna raaligelin ayay ka bixisay"

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay gudoomiye kuxigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo arimaha xuquuqul insaanka caalamka.



War ka soo baxay xafiiska xildhibaan Ilhan ayaa lagu sheegay in xilkan cusub maalintii Khamiista ahayd looga dhawaaqay Washington. Magaca guddigan ayaa ah Guddi-hoosaadka Afrika, Caafimaadka Adduunka, Xuquuqda Aadanaha ah iyo Ururrada Caalamiga ah.


Dowrkeeda cusub, Ilhan waxay sheegtay inay si gaar ah u danaynayso "inay kormeerto arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda" ee Afrika.


Ilhan ayaa horay uga mid ahayd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Kongareska inkasta oo dadka dhaleeceeya ay horay ugu baaqeen in laga saarayo kadib hadalo si weyn loo dhaliilayoo ay jeedisay sanadkii 2019-kii oo ku saabsanaa saameynta siyaasadeed ee Isra'iil ku leedahay Maraykanka.


Dagaalka Ilhan iyo Trump

Ilhan ayaa waxa uu horay dagaal afka ah u dhexmaray Madaxweynihii doorashada looga guulaystay ee Donald Trump, waxaana ay hadallo kulul isu marin jireen hawada.


Mar ayuu sheegay in Ilhaan ay tahay qof musuq-maasuq badan, isla markaana warbixinadeeda uu la socday muddo labo sano ah.


Ilahn Cumar, oo Mareykanka tagtay iyadoo yar oo qaxooti ah, sannadkii 1995-tii, waa xildhibaannada matasha gobolka Minnesota, oo magaalada Minneapolis ka tirsan tahay.


Kahor inta aan xilkaan loo magacaabin Ilhan Cumar ayey samaysay dadaalado ku aadan bini'aadannada kuwaas oo kamid ah xilli ay hoggaamineysay xildhibaanno ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo warqad u qoray Waaxda Amniga Gudaha, iyagoo ka dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dhacdo ku saabsan dad Muslimiin ah oo xabsiga dhexdiisa lagu siiyay hilib doofaar.


Falkan waxaa ku kacay ciidamada ka hortagga qaxootiga ee magacooda loo soo gaabiyo ICE, sida lagu qeexay war-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen wakiillada Aqalka Kongress-ka ee kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson.


Waa tuma Ilhan Cumar?

Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.


Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.


Waxaa horay loogu eedeeyay falal Yuhuud-Naceyb ah kaddib markii ay ka hadashay Isra'iil iyo kooxaha u ololeeyo dalkaas.


Waxaa xitaa dhaliilay xubno ka tirsan xisbigeeda Dimuqraadiga kadibna raaligelin ayay ka bixisay waxayna sheegtay "inay qaadatay dhaleeceynta casharna ay ka baratay ".


Ilhan ayaa sidoo kale ka hadashay falalka Islaam neceybka ah ee lagula kaco Muslimiinta, xili ay ka falcelineysay hadal uu soo qoray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isaga oo ku dhajiyay sawir muujinaya daarihii Twin Towers oo gubanaya.


Booliska ayaa ku xiray nin 55 jir ah gobolka New York, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xafiiskeeda ku dhajiyay sawir loogu handadayo dil kaas oo uu ku sheegay inay tahay "argagixiso".

 

BBC

 

Loading...
Loading...