Boqor Maxamed Boqor Ciise Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

0
Friday February 12, 2021 - 21:57:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Maxamed Boqor Ciise Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

    Boqor Maxamed Boqor Ciise Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Maxamed Boqor Ciise Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Hargeisa(HWN):-Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe oo ka mida Sallaadiinta reer Somaliland isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Qoyskiisa waxa uu Tacsi tiirraanyo leh u dirayaa Qoyska, Ehellada, Qaraabadda, Asxaabta, bahda dhaqanka iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo fiidkii hore ee caawa ku geeriyoodday magaalada Hargeisa, taariikhduna tahay 12/02/2021.
Image result for Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir



Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu marxuumka ku sifeeyay Suldaan facwayn oo taariikh balaadhan leh, isla markaanna Samcad wayn ku dhex leh gayiga ay Soomaalidu degto.

Sidoo kale, Boqorku waxa uu Alle ha naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi uu sheegay innuu ka mid ahaa Salaadiintii waa-wayn ee ka qayb-qaatay aasaaskii iyo dib u dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland.

Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumka, bahda dhaqanka, Waxgaradka, Waayeelka, Qoyska, Ehellada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Loading...
Loading...