Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha Somaliland: Xadhigga Abwaan Cabdiraxmaan Abees W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Sunday February 03, 2019 - 13:26:56 in Articles by Super Admin
  • Visits: 1368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha Somaliland: Xadhigga Abwaan Cabdiraxmaan Abees W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Mudane Madaxweyne, ugu horrayn naga hano bariido gobeed iyo tixgelin aanu kuugu haynno kaalinta aad ugu jirto arliga iyo ummadda. Eebbe ha kugu guuleeyo xilka muggiisa leh iyo hagitaanka laguugu xulay kalsoonida shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Madaxweyne, ugu horrayn naga hano bariido gobeed iyo tixgelin aanu kuugu haynno kaalinta aad ugu jirto arliga iyo ummadda. Eebbe ha kugu guuleeyo xilka muggiisa leh iyo hagitaanka laguugu xulay kalsoonida shacabka. Dhambaalkan waxa soo diray ninkaas kula sawiran ee gadhka iyo bidaarta leh oo ka mid ah qalinleyda, hal-abuurka iyo bareyaasha Somaliland. Waan qirayaa in xasuustaada iyo dad-aqoonnimadaaduba fiican yihiin… Tolow inna ma kulannay?. Marka laga yimaaddo fagaareyaasha bulshadu ku kulanto, waxa aan ahaa nin dareen-celiyay kaa weydiiyay Sooyaalka iyo Shakhsiyadda Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf sannadkii 2011ka.

Mar kale waxa aynu si gaar ah isu aragnay 2013ka, aniga oo kaa qabtay weedh ku saabsan doorkii nololeed iyo aqoontii aad u lahayd Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Jabuuti Marxuun Jaamac Maxamuud Xayd, markaasna waxa aan kaaliye u ahaa Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo taariikhdaas qorayay, tifaf-tirayay oo habaynayay. Weliba arooryadaas waxa aan kuugu imi gurigaaga Hargeysa. Labada jeerba erey xurmo mudan oo "abti” ah ayaa inoo dhexeeyay. Waan kaaga mahad-celinayaa soo-dhaweyntii aad ku fulisay labadaas xaajo ee aannu ku weydiinnay.


Marka loo eego da’da aanu jirnay, waxa aad tahay soo-jireen wax badan goobjoog u ahaa. Ma moogganid sida xadhiggu u kala kaxeeyo xukuumadaha iyo shacabka. Laba jeer oo Kacaanku ku xidhay waxa aad ku badbaadday fara-ciddidood, waxa aad galladda sama-baxaaga siisay abtiyadaa. Gaar ahaan Marxuun Cabdillaahi Kaahin iyo Yuusuf-Dheeg. Abaalka lacag laguma gudi karo, laakiin waxa aan kaaga fadhiyaa inaad ku celiso codsigan aan maanta soo tebinayo..

Waxa aad ahayd qareen ama af-hayeen u dooda dadka gudaha la dhigo. Waxa aan xasuustaa weedhii aad ku difaacday Salaaddiintii xabsiga lagu guray bishii Ogos 2001da, ee ay isku dhaceen xukuumaddii Cigaal. Rag badan ayaa wanaag kuugu haya kelmaddaas. Xabsiyadii ku saameeyay waxa ka mid ahaa kuwii lagu taxaabay taageerayaashaadii, gaar ahaan bishii Juun 2014ka: markii uu socday loollanka Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE.

Qaar ka mid ah raggaas ayaanu Saldhigga Dhexe ee Hargeysa ku wada jirnay markii aad tidhi "Ingiriiska iyo Isbayn ayaa laallaabtay, anigana waa la iga badiyay”. Hadalkaaga ayaannu ku ogaannay in xulalkaasi ka hadheen ciyaaraha dunida, oo aanu wargeyska ku aragnay. Haa, illeen muuq-baahiye (TV) nooma daarnayn oo qol ayaa nalagu ham siiyay’e. Sidii ay dibinta u cuneen markii aad tanaasushay waan xasuustaa.. Balse samre ayaa sedkiisa hela’e, waxa aad goaanka qadhaadh ku gaadhay hankii aad lahayd. Anigu se hiilkaaga uma xidhnayn, waxa aan u bannadnaa cabudhin lagu hayay Xisbiga UCID gaar ahaanna garabkii NEW UCID ee uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen oo kula midoobay 6dii Feberweri 2017ka. Madashaasi tii ugu dambaysay ee aynu isku bariidinno ayay ahayd.

Waxa laguu dhaariyay hoggaaminta Somaliland, culaysna kuguma saari karno sii-deynta qof ku kacay fal qarannimada lid ku ah. Bal se wixii gudaha ah, aragtida waa la dhiiban karaa, la is-naqdiyi karaa, lana doodi karaa. Qudhaaduna marka sooyaalka lagu noqdo, waxa aad soo martay mucaaridad adag, waxa aad ka mid ahayd ragga ugu weedhaha kulul marka fagaaraha toosinta la joogo. Ma filaynnin in xukuumadda aad madaxda u tahay ay dhibsato hadal uu qof yidhi.

Mar kale waxa aan marag ka ahay aqoonta aad suugaanta u leedahay. Waxa aan ogahay in aad saaxiib dhawtihiin ama ahaydeen hal-abuurka keena-diidka ah sida Hadraawi, Xasan-Ganey, Cabdi-Qays iyo Marxuun Gaarriye. Runsheegnimadu waa tii aad ku ammaantay Faarax Nuur iyo Cabdi Iidaan markii loo dabbaal-degayay gobolnimada Hawd sannadkii 2008da. Sooyaalkaas awgii, waxa aanu filaynnay in hal-abuurku ka mid noqon dadka aad xurmada goonida ah huwiso. Ugu yaraan in taladooda la maqlo ayaa sed iyo saami ah, in loo dulqaadato waxsheeggooda ayaa mudnaan leh. In gudaha lagu daabulaana waxa ay bixinaysaa muuqaal aan qurxoonayn.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ma aha qaran-dumis, qof xasilloonida burinaya iyo nin jecel iska-horkeenka ummadda iyo xukuumadda. Waxa aan qirayaa in uu yahay daljire jecel degganaanta, horumarka, sinnaanta iyo sareedada bulshadiisa. Waxa xus gaar ah iga mudan oo uu ku suntan yahay doorkii uu ka ciyaaray Safarkii Hal-abuurka Ee Nabadaynta Gobolka Sanaag oo aannu14 maalmood ugu maqnayn Gobolka Sanaag bilihii May iyo Juun ee 2018ka. Samafalkuna ma aha wax aanu billad iyo ammaan ku rabno.

Annaga oo gudanaynna waajibka isu-soo-dhawaynta dadka walaalaha ah, waxa xasuus lahayd in aanu danta qaranka awgeed sarreen u jaqnay/nuugnay. Weliba markii aanu doonnay in la cugto hoggaamiye hormood u noqda hal-abuurka, waxa aanu gadh-wadeen ka dhigannay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo aanu ku astaynnay guurtinnimo, garasho iyo guddoon fiican. Xaaladahaa adag ee aanu wada marnay iyo xilkasnimada aan u furayo ayaa sabab u ah in si cid kasta ka badan ugu doodo. Labada is-qabta, ka awoodda leh lama taageeri karo. Maalmihii sawirkaaga dadka lagu xidhi jirayna, dhinacaaga ayaanu ahayn.

Dhanka kale, dhaliisha uu Abwaan Cabdiraxmaan Abees jeediyay waa mid qurxinaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland. Haddii maalin walba ay beel kale wax kaa sheegto, tolkaana uu ku difaaco, waxa aynu u ekaan lahayn reero murmaya. In qof aad isku deegaan tihiin uu ku naqdiyo, waxa ay marag u tahay sida looga xoroobayo xayndaabka qabyaaladeed ee ragaadiyay dadkeenna. Haddii uu in uun gef ku galay suugaanta uu curiyay, waxa aan diyaar u ahay in gudaha la igu abudho, waayo hadimo marna uma sacab tumeen.

Haddii aan la xidhinna, waxa ku filnaa gabayaa laba maanso ugu hal-celiya: af af loo hayaa ba’ay. Malaha se hala-buurku way ka madhan yihiin digreetooyinkaaga, rag ayaaba la diyaar ahaa in ay si adag ugu jawaabaan haddii aan gudaha la dhigin kkkk wax ay odhan lahaayeenba. Sida san ee looga warceliyo dhaliisha ayaa gaashaanka loogu daruuri lahaa. Ugu yaraanna cabudhintu waxa ay saamayn taban ku leedahay sumcadda guud ee qaranka.

Hadalkaagu kama duwana digreeto, weedh iyo amar aad bixiso ayaa soo celin kara xorriyadda uu muwaaddinkaasi xaqa u leeyahay ee ka maqan muddada saddexda toddobaad ah. Iyada oo xadhigga looga hadli karo qaab ku-jiq-sii, baala-xoofto iyo cambaarayn ah, waxa aanu doorbidnay in aanu u soo tebinno hannaan huwan xurmo, xaq-dhawr iyo qaddarin. Madaxweyne, haddii lagugu xanto ad-adayg iyo shaqada askarinnimada oo leh is-giijin iyo digtooni, waxa aan maanta ku leeyahay madaxweyne is-adkaynta ka bax oo u debecsanow dareen-gudbinta rayidkaaga.

Ugu dambayntii, madaxweyne haddii Eebbe uu taageerada abtiyadaa kaaga furdaamiyay god lagugu riday, waxa ay abtiyadaa rabaan in aad codkooda oodda kaga qaaddo oo aad xorriyaddiisa ugu celiso Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Cabdiraxmaan Abees). Kollayba qaan kugu maqan ayay ahayd, cid uun baana ku hor dhigi lahayd. Waxa aan filayaa inaad tixgelin weyn siin doonto codsigaas aan warbaahinta kuu soo mariyay.

Wixii uu maqaalkani milge iyo meel-ka-dhac xambaarsan yahayna, aniga ayaa ka masuul ah.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...