Saylici Iyo Table tennis-tiisa, Cawo Iyo Ayaan Daradeeda, Aniga Iyo Twitter Kayga

0
Friday February 12, 2021 - 10:06:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Saylici Iyo Table tennis-tiisa, Cawo Iyo Ayaan Daradeeda, Aniga Iyo Twitter Kayga

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

Goor kasta iyo goob kasta oo aad furto warbaahinta Somaliland khaasatan tan mareegaha internet ka ee aan ku tiirsanahay kana helo warka badanaa, bacdamaa aanan aad u xiisayn tan TV-yada oo aanan ku ogayn wax badan oo xiise leh, ha noqdeen barnaamijyo ama waxyaabo kale oo si faai’dooyin u leh. Waxaanan badana kala kulma warar aan i farax galin oo badiba aan ka qaado caloolyow. Muddo ka hor markii aan soo galay wadamadan ay barwaaqadu wadhan tahay, waa halkii heesti Bidheedhe, waxa aan aad u la yaabi jiray ku noolaanshiyaha wadamada qalaad dadkooda oo daawanaya barnaamijyo u badan Comedy iyo maad kaa qoslinaysa ama ugu yaraan aanan ka qaadin caloolyow iyo wax tiiraanyo leh. Waxa aan is waydiin jiray maxaa ay u daawan waayeen wararka dalkooda ama kuwa caalamkaba? Ugu danbayn waxaan ogaaday in ay iyagu iga saxsanaayeen laba sababood aawadood: Waa mid ee kama baqe qabaan wax cabsi siyaasadeed ah  ama colaado iyo dagaalo taasi oo ay suuro galisay sida ay nolosha u xasiliyeeen. Waa ta labaad ee warar uma hamuun qabaan bacdamaa ay haystaan siyaasada xasiloon, degan oo aan guurguurin  wax waliba sidooda ayay ahaanayaan siyaasigii doonna ha yimaado, kii doonaana ha tago waxa kaliya ee is badalayaa waa labada  xisbi iyo shaqsiyaad tartan ka dhaxeeyay. Wax badan kama badalyso noloshooda gaarka ah.

Haddaba taasi oo ay  in badan ii sheegeen caloolyow ga ka soo kordha wararka ama ha noqdeen gudahooda, in kastoo saaamayntu yar tahay ama aduun ka kale. Kuwa caalamka sadexaadna ha u bateen oo dagaalo ayaa meel heblaayo ka qarxay iyo dadbaa halkaa lagu laayay ama lagu afduubay iyo wax la mid ah waana ugu garaabay inaanay wararka badsan. Laakiin Soomaliland dadkeeda ama guddo hakunoolaadaan ama dibadde waxay is huraan yihiin. War ayay raadinayaan had iyo goor. Waa halkii Hadraawiye "meel baa dalooshoo Daltabyaa i haysee” maansadii Dibad yaal ay meerisyadaasi ka mid ahaayeen  ee maxaa maantana soo yeedhay? ayaad ku waa bariisanaysaa.

 

Cawo Cabdirisaaq Maxamed waa inan yar oo reer burco ah, Jaamacadda Camuud wax ka baran jirtay oo lala dhacay Toorayo waliba inta la kufsaday, kii ama kuwii waxaa ku falayna aan lahayn ama aan loo qaban ayaa igaga timi mareegta Hadhwanaag News iyo dumar reer burco ah oo mudaharaad aan dad badani baran joogin ku qabtay Burco. Wararku kala daran inan yar oo halkaa waxbarasho u tagtay iyo Boorama oo ahayd meel nabadeed  oo aan dhiig la daadiyo looga baran waa huq, ciil iyo hagardaamo aan hadhayn oo runtii waa musiibo ku soo korodhay hoygii aqoonta iyo nabadda ee gobolka Awdal. Talow maxaa xiggi?

Salaasadii 29kii bishii December oo ah maalinta warka dhiilada leh ee Cawo  Cabdirisaaq Maxamed isoo gaadhay waxa kale oo aan furay Twitter kayga. Warar kaa Cawo ka gaddisan oo ku saabsan ninka labaad ee ugu sareeya Jamhuuriyada Somaliland  waa Sayliciye oo ciyaaraya Table-Tennis. Waxaa la ciyaaraya raxan dad ah oo qaar khamiisyo xidhan yihiin. Sida ka muuqata waa gurigiisa oo raaxo iyo ladnaan badani ka muuqato. War uma hayo Cawo Cabdirisaaq iyo xaalkeeda, walibana falkan arxan darrada ahi waxa uu ka dhacay  gobolkii uu ka soo jeeday madaxwayne ku xigeenka wax ma taraha ah. Waxaaba uu qaadaya "talow shicibka Somaliland hadday roodhi waayeen, may keega daaqaan.” In kastoo aan shakhsi ahaan ogahay in aanay Somaliland, laga so bilaabo ilaa 1960  ilaa manta aanay helin hogaan ku haboon. Hadase meel xun bay maraysaa mar hadii ay joogaan kuwo table tennis ku ciyaaraya guryo waawayn oo ay ku hantiyeen Title( Darajo) madhan sida madaxwayne, madaxwayne ku xigeen, agaasime guud iyo wixii la mida. Laakiin mark ay noqoto wax qabad in ummada Somaliland gole fuulka ah  iyo microphone ka isku dhiidhiib ka ah laga soo heli maayo mid kaliya  oo aad ku tilmaanto u adeege bulsho (Civil Servant) laakiin waxa ay isku badaleen danaystayaal  (Self Service) markii ay waayen waa dadwaynaha’e dhankooda cid kala xisaabtanta iyaga dhexdoodana ma jirto isla xisaabtan oo waxa uu aaminay hal hayska caadiga noqday  ee ah "Ima eryi karo waxa aan ku magacaabanahay digreeto madaxwayne, cidda kaliya een markaa raali galiyaa waa madaxwayanaha kolba jooga meesha ee eryi kara. Inta kalena dabada kama qarsado.” Haddii ay isku dhacaana inta uu ka meesha  madaxwaynaha ka ahina u yeedho ayuu u garnaqaa, walibana u sii raaciyaa intaanad iman soo kaxaysta xidhihiina.  Waa taa ta aynu wax qabad ka sugaynaa iyo in ay horumariso dalka, waa halkii Timo-cadde alle ha u naxariisto’e "Danbarkii maandeeq nimaan doonin baa dhamay.” Taasi oo aad is odhanayso hadba waxay siinaysaa mid ba midkii uu ka saaqidsanaa xagga faham ka dawladnimo oo ma jiro mar uun in uu fikta u baxo mid kan dhaama oo ay bulshadu mar uun tidhaahdo haakah.

 

Aan ku noqdo markii aan arkay sawirkaa table tennis ka ee Saylici ayaa isla markiiba maskaxdaydu ii sawirtay in kaa iyo kuwo la mid ah aanay Cawo cadaalad ka heli doonin. Inkastoo aan weli ku kalsoonahay bal in waqti dheeraada la siiyo oo waxa ay ku jawaabaan la suggo. Aniga oo aaminsan xikmadii uu isticmaali jiray siyaasigi indheer garadka ahaa  ee Anwar, isaga oo soo qaadan jiray kolka ay carabta maryo-waynta ahi ka fud kiciyaan meel aan carab dani ugu jirin. Isaga oo odhan jiray halku dhagan "Waa kuwaan aqiinay” taasi oo taariikhda Somaliland qayb ka noqon doonta.


Sababta aan 29 kii bisha December twitter ka u furayna waxa ay ahayd daba socod aan daba socday Twitter aan mar hore u diray Wax-Ma-Tare Saylici. Aniga oo isku dayayay in aan bal siiyo talo qaran, si loogu gufeeyo goldoloolo ii  muuqda. Waliba aniga oo aan rajo badan ka qabin in uu ka soo jawaabayo, haddana damqashada dadka ayaa i qasabta. Jawaabtii aan daba socday iska daayoo, waxaaba bartii Twitter-ka ka soo muuqday muqaalka naxdin ta leh ee muujinaya in uu col iyo abaar moog, tennis ciyaaraya yahay. Waxa isku kay qaban wayday muqaalka hortayda yaala iyo warka naxdin ta leh ee Cawo ee aan daqiiqado ka hor uun akhriyey. Haddaba akhriste, miyaanay kaaf iyo kala dheeri ahayn Saylici , Tennis tiisa, mooganaantiisa iyo Cawo Maxamed ayaan daranteedu?

 

Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...