Ruuxii Gaf Taliyaa Gocashuu La Ooyaa ( Abdi-Shotaly).
gabalkii yimaadiyo, godka qoraxdda geleysaa, godob uu dhex qaadiyo, waa gocor magnuun ahe, gawsku wuxu ku raabiyo, gabad loogu shubayoo, lagu yidhi ku geeraar, ruux laga gar-daran yahay, oo sidda gamuunkii waran, geesi-yadda bal lagu rido, oo gafuurka huuradda, googoysay nacasnimo, reer hebel gadh wade ahi ( waa askarigee), ka guneeyo hoostoo,doqon lagu gabraarto ah,gacalkii hunguri yahay, gab-gab-tiisa faanka ah, intaan geed ku soo xidho, aan gabaga-beeyoo, kala gooyo luquntoo,, ruuxii gaf taliyaa, gocashadda la ooyee, ku gufeeyo iilkee, murti aad ah iga gura. gar-diid baan deldelayaa, gantaal boqonta gooyaan, gudub ugu ridaynoo, garbahaan ka xidha iyo, gibil baan ku raranoo, gudin madaxa kaga jari. akhristaw intaa waxa ii raaca aan idiiin qeexo halka i manakh leh ee aan u qaatay qalinkee, Kii inaan-tiisa iyo dumaashiddii, xaaskiisa badhidda dhengedda ay kjala dhacayeen askartu, markii ay u barooranayeen dhulkii laga qaday Ina dalmar ( Meesha ay madax-tooyadad beeshoosa ka dhisayaan, ee labadda askri dhuunta tamuujadda kaga hayeen, dhulka la jid-jiidaayey ku raaxaysa-naayey, ka dhiidhiyi, ee juuq ka odhan waayey, baa liidnima-diisa CIrro wax ka sheegaaya, waa ka war-faafinta ay weliba u soo dooreene ( Maxamed Dhataqle), ka sidaas dadnima-diisu tahay baa cid kale been ka sheegaaya'e ku soo dhawaadda waa tane.
Waxa la joogaa, wakhti ninkii runta sheegi jirey la eryado, beenaale iyo tuug, munaafaq, af-dhabaan-dhab, biidhi qaate iyo mid liitaa uu durbaan tumaayo, intii bilaa damiirka ahayd baa hadeer calan-walaynaysa, ee ila akhri aan ku hor keeno'e. Muwaadin, kuwa ka orinaaya guriggii moorgan, ee siddii dacawo dheregtay uga xareedinyaa Xaafad-tooyadda, wax is dhaamaa kuma jiraan haba-yaraatee, intii ugu liidatay baa isku urursatay. Intii hore-ba mid yidhi fadhiista wax sheegi maysaane, oo weliba itaal baaska, la biday af-tahanimo ay belo ka dhacday, baa dhawaan la keenay, waxa ay ku sheegaan War-faafinta. Cajaa'ibkuu dhigay nin-kaasi " Maxamed Dhataqle" kii lagu bedelay Cabdirahman Hablo caayee weeyee. baa shalay intuu makarafoon qaatay, iska dhataq-leeyey, aduun-yadda nin noolaw maxaa aragti kuu laaban,
(a) Bal in uu inan-gumeed yahay aan biyo is marin, Markuu leeyahay raggii hore gob bay ahaayeen, ma cirruu u qarinayaa gunimo. kaas oo miidhan baa ummad loo xil saaray, waa duni aakhiral-sabaane. isaga baa ah gun-gun dhashay ilaa yoomal-diin, xaaraami ah.
(b) Waxa ka mid ahayd dhataqle-nimadiisa, Cirro Xusbiga Uma uu samaysan in uu dalkan madax kaga noqdo, ee wax kaluu u samystay, waxan ku leeyahay Maxamed Dhataqlaw, Dameer ciyey baad tahaye, horaa Ina Nuur fadal kuu yidhi " Irbad dhuub ma gelisaan af-kuna waydin dheer yahaye, haduun baad dhaar xoogle iyo dhiidhi barateene, Markaas waa dhaqan-kiina oo kula yaabi-maayo, afka nool cidla ah baad tahaye.
(c) Wuxu yidhi oo kale Maxamed Dhataqle, Doorshadda laba xusbi way geli karaan, waxan ku leeyahay, waxa aad u ayaan daran ummadda lagaa soo xushay kaas, ee sidaas aqoon loogu door-biday, marka ay maskax-daadu taas tahay, saw meel ba'day maaha?
(d) Mr Dhataqle wuxu intaas raaciyey, dalka haddii ay wax ka dhacaan isagaa ka mansuul ah, bal in aanu wax-ba ahayn, oo munaafaq anbanaaya uu yahay Mr Dhataqle, Horta aan is weydiino'e ma dal baa jira hadda? Sawtan Afar sanadood ceel af-weyn la isku rifaayey, ee maydku maradaas ka batay, Sool aan la tegi karin ( Waa Laascaanood), Buuhoodle la idiinka qoor gooyey in aad gashaan, Sanaag lagu kala dareeray, Sanaag bari ay qaadatay Puntland, Samaroon iyo Ciise Jabuuti u galeen, Togdheer ciir-ciirayso, jeelashii buuxsameen, Bendooga lagu soo rogay Sanaag baad miciin moodeen, markii askartii lagu laayey, baqdin awgeed aanu askarina rabin in uu ka shaqqeyo gobol kale. Waxad tahay kii la yidhi " Dudumoo-yinkoo lala hadlaa damac ma yeeshaane, wuxuun baad u dhuratay Magacii laguugu bixiyey markaad dugsiga dhexe ku jirtay ee " Maxamed Dhataqle".Waxan ku soo dabray qoraalkan. Hadaad in uun dhiig iyo uus leedahay, oo uu dareen-kaagu shaqaynaayo, musha-haaro yar kama aad doorateen, in inantaadda, dumaashidaa, xaaskaaga, askartu ay xidho, waxad-se iska tahay " Maxamed Dhataqle" waayo waxad dhaafsatay ciilka gurigaaga lagu sameeyey ee sare, tuuganimo aad hantidda ummadda ka fara-qabsato
* N.B Doqoni Dareen Ma leh.
Qore:- Abdi-shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!