Xaalado Aynu Hayno Iyo Kuwo Ku Iman Kara Dalkeena Somaliland

0
Thursday February 11, 2021 - 09:53:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalado Aynu Hayno Iyo Kuwo Ku Iman Kara Dalkeena Somaliland

    W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamed Aden Hassan.

Dalka Somalilnad in kastoy nabad taam ah ka jirto o aan ilaahay mar walba uga mahad naqayno hadana waxa jira duruufo aad u adag o qaranka soo wajahay o ay ugu hoorayso kala qaybsanaan bulsho taas o ay doorashadi 2017 kasoo bilaabmatay , iyada oo dadka Somaliland dad goba yihin haddana waxa wacan in la helo cid is xilqaamta o ay culimada iyo dadka indheer garadka ahi ku jiraan  waxaana kaw ka noqonaya xukumada manta joogta in ay dadaal labo jibaaran ku bixiso arintaas sidaas maxaynu u lenahay waxa inagu soo socda dooroshoyin isku lamaan oo degaan iyo barlamaan ah si loo helo doorosho nadiif ah o lagu qanci karo waa in gogol xaadh badan la sameeyo ka hor ololaha doorashada si aynu qarankeena wax walba o kusoo fool leh ugu badbaadino isla markaana hore ugu socono.

 

Kasoo gudub qodobkaas waxa jira qodob kale oo isna muhiima o ay haboontahay in aynu indhaha ku hayno o ah in samankan hadda ku jirno dalalka inala jaarka ah ay ka jiraan xurguf siyaasaded o dagaal gaadhay sida dalka Ethiopia iyo dalka Somalia e aanu jaarka nahayna ay jiraan is qab qabsi dhinaca dooroshoyinka ah amni ahaan waa in aan ka gaashamaana waxaa amaan mudan ciidamada mar walba feejigin e dar dargalinta hawlahooda mar walba ku jira sida ay hawshooda u wadaan.

 

Waxa jira oo kale isna dagaal diplomacy yadeed o aanu ugu yeedhi karno hirdinka geeska o dadka in yari la socoto waan ugu mahadnaqaya xukumada Somaliland sida ay indhaha ugu hayso sida aanay wali ugu milmin isbadalaadas yar e curdinka ah e aan cagaha adag ku taagnayn ee abiy ahmed cali raysalwasaraha Ethiopia hormuudka ka yahay.

Sida aynu hore u soo sheegnay dhawr maqaal aan qornay geeska Africa waxa ku dagalamaya Chinaha iyo USA Ka o dagaal maal gashi iyo samayn ah ka wada gobolka geeska Africa gaar ahaan wadanka ugu wayn uguna dadka badan e Ethiopia.

 

Talo Dagan Haddaba.

 

Cid walba shacab iyo dawlad ba waxa xil ka saaranyahay ilaalinta dalkeena Somaliland jamacadaha waa in ay sameyen darasado lagu gurfeenayo hadba wixi dunida kasoo cusbonada e isbadal ah amaba warbaahintu waa in ay samaynayaan sida dadkeenu ula jaan qadaan isbdaladas ka shakhsi ahaana waan soo gudbin doona wixi soo kordha e isbadal ah.

 

Mahadsanidiin Dhamantiin

 

TWITTER:       H.E Mohamed Aden Hassan       Email:    [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...