Madaxweynihii Hore Ee J.Federal Ka Somali Maxamed Cheese Maxaa Kaqaldamey

0
Thursday February 11, 2021 - 09:43:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee J.Federal Ka Somali Maxamed Cheese Maxaa Kaqaldamey

    La soco qaybaha dambe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La soco qaybaha dambe

Somalida ayaa waxay ku maahmaahdaa: Wixii daacad ahayn ba xaga dambe ayey ka xumaadaan. 8 Feb.2017 kii ayey ahayd markii Farmaajo loo doortey Madaxweynaha Dalka Federal ka Somaliya,si kastaba ha ku soo baxo doorashadee wuxuu ahaa mid shacbiga muqdisho si weyn ugu dabaaldegeen soo dhaweyntiisii malaha in kasta oo aan aad u yaraa 21 okbober 1969 kii ayaa sidaa si ka weyn loo soo dhaweyey inqilaabkii uu xukunka kula wareegey Jaale Maxamed Siyaad oo ay qaraabo yihiin Farmaajo inkasta oo dalkii la odhan jirey Somaliya ee wakhtigaa soodhaweynta Siyaad Bare ka wada sinaayeen halka Farmaajo koonfurta Somaliya ama Jamhuuriyada Federal ka ah oo qudha la soo dhaweyey hase ahaatee waxaa ay ka sinaayeen wakhtiga Somalidu ku jirtey oo ahaa wakhti adag oo dadku u baahnaayeen isbedel arintaas ayaa sababtey in loo riyaaqo iyada oo dadku darsin dhaqankooda iyo waxay aminsanyihiin oo aynu gadaal ka ogaaney.


 

Farmaajo waxaa uu is tusiyey sidii adeerkii Maxamed Siyaad in uu fursadan dahabiga ah ee soomartey uu uga faa’iideysto dhowr waji oo kala ah:  


  1. Ka argoosiga dadkii Somaliyeed ee ka horyimi xukunkii Adeerkii Maxamed Siyaad gaar ahaan Jahbadihii USC,SDM SNM iyo SSDF iyo taageerayaashoodii  
  2. Inuu xooga saaro sidii uu ugu nagana lahaa xukunka.  

    Labadaa arimood ayaa ugu muuqday in uu ka dhigto qorshihii kowaad ee uu uga faa’iideysanayo wakhtiga uu talada hayo taas waxaa cadeyn u ah ficiladii laga arkey iyo habdhaqankiisa.  

Qodobka kowaad ee aargosiga aynu ku sheegney waxaa cadeyn u ah:

 

Muqdisho-KNN-Sawir madaxweynagha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu magaalada New York kula galay Kornel Yuusuf Cabdi Cali Tuke ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loogu falanqeynayay baraha ay bulshadu ku xariirto.  


Kornel Tuke ayaa dacwado ka dhan waxa ay yaalaan maxkamadd ku taalla dalka Maraykanka, waxaana loo haystaa dambiyo dagaal oo sida la sheegay uu sideetameeyadii ka geystay gobolada waqooyi ee Soomaaliya xilligii ay jirtay dowladdi dhexe dalka.

 

 Siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa baraha ay bulshadu ku xariirto waxay si weyn ugu dhaleeceeyeen sawirka uu madaxweyne Farmaajo lasoo galay Kornel Tuke, iyagoo sheegayay in ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku baxay gacanta xukunkii militariga ee soomaray dalka uusan u damqan madaxweynuhu.  


"Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuqay dad Soomaaliyeed” ayuu bartiisa bulshada kusoo qoray Xildhibaan Fiqi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka fal celiyay sawirkas.  

 

Barnaamijka Hanolaato Ee Radio Kulmiye {28-09-2019}  

 

  • Arintii Qalbi Dhagax:  

 Cabdinaasir Saxansoxo  

BBC Somali, Nairobi  

4 Sebtembar 2017  

 

 

Bbcsomali : Magaciisu waa Cabdikariim Sheekh Muuse, waxaana lagu naanaysaa Qalbi-Dhagax , taas oo malaha loogu bixiyey calool adeygiisa, balse toddobaadkan wuxuu ruxey quluubta Soomaalida intooda badan, isaga oo noqdey shaqsiga loogu hadal heyn badanyahay baraha bulshada iyo qalabka warbaahinta intuba.


 

Haddii ay kuu tahay markii koowaad ee aad maqlaysid magaca Qalbi Dhagax, waa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo sida la sheegay inta dowladda Soomaaliya qabatay, kadibna ku wareejisey Itoobiya. 



Ma ahayn nin horey caan oga dhex ahaa Soomaalida, marka laga reebo dadka ay isku qaddiyadda yihiin iyo laamaha sirdoonka dalalka geeska Afrika qaarkood oo laga yaabo in ay isha ku hayeen dhaqdhaqaaqiisa.


 

23-dii illaa 27-dii Agoosto, 2017  

Wax kasta waxa ay isbadaleen taariikhda markii ay ahayd 23-dii bishii Agoosto ee lasoo dhaafay, xilligaas oo Cabdikariim uu ka duulay magaalada Muqdisho, kana degay Gaalkacayo, si uu halkaasi uga soo qaado wiil yar oo qaraabadiisa ka mid……………  

 

 

La soco qaybaha dambe…….  

 Mahadsanidiin Dhamaantiin  

M J Farah

source: hogaanka.org


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...