'' Muranka taariikhda '' .

0
Thursday May 02, 2019 - 15:13:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Muranka taariikhda '' .

    Soomaaliddu Diiwaano taariikheed oo la isku halayn karayo malaha ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliddu Diiwaano taariikheed oo la isku halayn karayo malaha , sababtu waxay doonto ha ahaatee , sheegista tagtadeeduna waa qubane qofka halkuu doono uu kagga soo hagaago .


Qabyadaas aan dhamaadka lahayna waxaa ugu danbeeyay sheekadii Cali Khaliif habeenkii dhawayd ka sheegay xafladii buuga siilaanyo , hadaba sheekadaas ayaynu faalaynaynaaye.



Fasalkii koowaad ee tacliinta laggu bilaabay , Ardaygii koowaad ee la qoray wuxuu ahaa , Dr Cali Sheekh Ibraahin Sheekh madar, Cali iyo lodkiisi markay dhamaysteen dugsigiina waxay heleen deeqo wax barasho intii gaadhay .


Ragga deeqdaas heley waxaa ka mid ahaa , Dr Cali qaadi , Axmed Yuusuf Ducaale , C/raxmaan Axmed Cali ,Axmed Kayse Xaaji Ducaale , hadaba ardaydaas isku fasalka ahayd , ee dhamaatood deeqda waxbarasho heshay , sidee baa loogu kala saari karaa kii ugu horeeyey ee Jaamacad heley , ma sidddii fiisuhu ugu soo kala hor baxaybaa ?


Midda kale , Macalimiintii iyaga wax u dhigaysay ee tacliinta bilowday , sidda Maxamuud Axmed Cali , Yuusuf X Aadan iyo Yuusuf Ismaaciil Samatar iyaga aqoontoodu maxay noqonaysaa ?


Dhinaca kale , waxaa jirra dad Soomaaliyeed gaar ahaan reer Somaliland oo aan iyaggu Somaliland waxba ku baran , iyadoo aan tacliiniba ka jirina wax bartay , sidda ,


Faarax Oomaar oo kasoo baxay Jaamacad ku taala Hindiya 1920 kii iyo Maxamed Xaaji Sharmaarke Cali Saalax oo isna isagga kasii horeeyey muddo qarni ku dhaw , kuwaasi iyana xagay geleyaan ?


Dhinaca shaahadada 3aad iyadda labba nin ba waa la sheegaa , oo waxa la yidhaahdaa , Dr Xasan Cali Mirre ayaa ahaa Soomaaligi ugu horeeyey ee Phd qaatay , ka labaadna Garyaqaan Yuusuf Dhuxul baa laggu sheegaa , laakiin waxaa is waydiinle , shaahadada labaad .


Dr Xuseen Tansaani oo ka baxay Makareri University , Dr Dhuxul iyo Dr Xasan Cali Mirre iyamaa u horeeyey , weliba waxaa sugan in Siilaanyo markuu kasoo noqday Egland Dhuxul shaqaynayay , weliba siyaasadana ku jirey , baryahaasna uu mushaax Baarlamaan ahaa .


Si kastaba ha ahaatee , Soomaalidu waa reer guuraa , sidda aan guriga reer guuraagu aanu u ahayn mid meel joogto ah degen ayaanay taariikhda Soomaaliduna u tahay mid aan fadhiyin oo geediya .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...