Hoggaanka Kulmiye Oo Diiday Inay Aqbalaan Mushharraxa Beesha Toljecle Ee Wakiillada Iyo Xildhibaan Wedka Oo Wejigabax La Kulmay

0
Tuesday February 09, 2021 - 14:04:12 in News by
  • Visits: 1946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaanka Kulmiye Oo Diiday Inay Aqbalaan Mushharraxa Beesha Toljecle Ee Wakiillada Iyo Xildhibaan Wedka Oo Wejigabax La Kulmay

    Hoggaanka Kulmiye Oo Diiday Inay Aqbalaan Mushharraxa Beesha Toljecle Ee Wakiillada Iyo Xildhibaan Wedka Oo Wejigabax La Kulmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Kulmiye Oo Diiday Inay Aqbalaan Mushharraxa Beesha Toljecle Ee Wakiillada Iyo Xildhibaan Wedka Oo Wejigabax La Kulmay

Hargeysa(HWN):-Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inuu diiday inuu aqbalo mushharrax Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex,kaas oo ahaa mid isku soo raacday Beesha Toljeclo,isla markaana ay soo xushay,balse KULMIYE ayaa qaabili waayey,wallow uu Xildhibaan wedka oo ah Xoghayaha Golaha dhexe e Xisbiga KULMIYE,isla markaana beeshaas kasoo jeeda uu dhaq-dhaqaaqyo sameeyey uu ku doonnayo in musharrax Beeshiisa uu KULMIYE aqbalo haddana may noqon kuwa guulaystay.

Image result for xisbiga kulmiye

Warar hoose oo Foore helay ayaa sheegay in madax-dhaqameedka Beesha Toljeclo ay isku dayeen inay Madaxweynaha kala hadlaan arrintaas,balse nasiib darro albaabka ayaa laga furi waayey,waxaanay taas keentay inay muddo ka dib markii ay ka caal waayeen ay iskaga tagaan,haseyeeshee ma jiro war amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay Xisbiga KULMIYE iyo xarunta Madaxtooyadda marka laga taggo xoggahaasi oo aanu ka helnay Xubno sare oo ka tirsan Beesha Toljecle.

Dhanka kalene Beesha Toljeclo ayaa la sheegay inay dhawaan ay kullan kula yeesheen Magaalada Hargeysa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI,kaas oo ay xogwarran dheer kadib ay u sheegeen inay diyaar u yihiin in Musharrax ay isku soo raceen ee Golaha Wakiillad ee Gobolka Maraadijeex ay doonnayaa inay Xisbiga WADDANI ay keenaan uu iska sharraxo.

Geesta kalena Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa la sheegay inuu soo dhaweeyey qorshaha odayaasha beesha Toljeclo, iyadoo la sheegay in Xisbiga WADDANI uu si rasmi ah u aqbalay Musharrax Beesha Toljeclo ee Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex.

Loading...
Loading...