Kufsiga Iyo Dilka Dumarka Waxaa Ka Mas'uulah Madaxweynaha, Wasiirka Gudaha Iyo Generalka Police Ka

0
Tuesday February 09, 2021 - 09:50:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kufsiga Iyo Dilka Dumarka Waxaa Ka Mas'uulah Madaxweynaha, Wasiirka Gudaha Iyo Generalka Police Ka

    Iyo Maxkamadaha U Sarreeya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyo Maxkamadaha U Sarreeya.

Sideedaba WADAN Kasta Nabadiisa Waxaa Laga Qiyaas Qaataa DAREENKA SUUQYADA IYO DUMARKA IYO CARRUURTA DAREENKA AY KU SEEXDAAN AMA KU SOO TOOSAAN.

 

Badina Waxkastoo Khatara Oo Wadamada Somalida Ka SOCDA Oo WADANKA Nabad Gelyo DARRO KA Abuura Waa IN AAN La Marin Habaabin Bulshada Saboolka Ah EE Fikirkeedu Aanu Kala HAADIN IYO HUFIN Karin Waxyaabaha Hareeraheeda Ka Dhacayaa, Noloshoodana  Halis Ku Haya. Imika Dhibaatadan Dumar Kufiga Iyo Caruurta EE Joogtada Ah MAANTA NIN WEYN OO MADAXA OO MIDEA OODWEYNENEWS KA DHEX  HADLAYEY WUXUU KU ANDACOODAY INUU ARINKA KUFISIGA DUMARKA UU INAGAGA YIMID DEBEDAHA TAASOO MALA AWAALA,BEEN IYO BULSHADA SOMALILAND  JAHA WAREERIN KU AH.

 

DEMBIGAN KUFISIGU  WUXUU KASOO FULAYAA XUKUUMADDA LAAMAHOODA WADANKA U DHAARTAY OO AAN SHAQADII FULINAYAYN XAGGA DEMBIYADA EE CIQAABAHA U XILSAARAYD MARKAA HADDII UMMAD XUKUUMADDEEDU SHAQADII LOO IGMADAY AY FULIN WEYDO SHACABKA IYO DALKA WAXAA KA DHACA DANBIYO BADAN OO DADKA NOLOSHOODA IYO NABADEEDA KHALKHAL GELIYA. IMIKA KUFISIGOO QUDHI YUU IDIIN MUUQANIN WAXKASTOO KALE HADDAY JIRAAN OO MUSUQMAASIQI, DHAC, XADHIG AAN SAX AHAYN, DAD DHULKII LAGA QAADAYO, KUFSI DIL GOBOLADA SI HABEELE AH UGA DHACA, GOBOLO DAWLADNIMADU AANAY TOOS UGA SHAQAYN, QABYAALAD ,SHAQO LAAAN, MORAL XUMO UMMADDA HAYSATA , MAANDOORIYEYAAL XADHKAA GOOSTAY OO HORE WADANKA UGA JIRIN WAXAA IYO WAX LA MIDA MARKAY UMMAD KU DHEX NOOLAATO WAXAA KU SOO KORDHA DEMBIYO YARAAN JIRAY SIDA KUFSIGA DILKA WATA EE AAN QOF QUDHA LOO DILAYNIN.  MARKAA XUKUUMMADDA KA MASUULA OO SHAQOOYIN KALE KU MASHQUULSAN. HADDII MADAXWEYNUHU SHAQDIISA FULIYO, WASIIRKA ARIMAHAA GUDUHU SHAQADIISA FULIYO WELIBA TA MASIIBOOYINKA CUSUB SIDA KUFSIGA DILKA WATA, HADDII GENERALKA BOOLIISKA, XEERILAALIYAYAASHA IYO MAXKAMADUHU SIYAASADDA FARAHA KALA BAXAAN OO DEMBIILAYAASHA TOOS U XUKUMMAAN WEY ISTAAGEYSAA WAX BADANI LAAKIIN HADDII MIDEA BEEN LALA SOO FADHIISTO AH WAXAN ADDUUNKAA INOO KEENAY WAXAY ARINTU TAHAY XUKUUMADAY SHAQADAADA QABSO MADAXWEYNUHU WAA INUU SHAQO KA QABTAA WASIIRADIISA IYO MAXKAMADDAHA, BADHISAABADA, MAAREEYAYAASHA KUWA JILICSAN.

 

Maanta Haddii Dumarkii SOMALILAND Iyo Caruurtii Aanay Nabad Ku Seexanayn Oo Dariiqa Mari Karayn Waxa  Weeye NABADEENU WAA DHALANTEED IYO INDHA SARCAAD.

 

M BASHE 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...