Suudaan: Ma dooneyno in dagaal aan la galno Itoobiya

0
Tuesday February 09, 2021 - 07:38:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suudaan: Ma dooneyno in dagaal aan la galno Itoobiya

    Hargeisa(HWN):-Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in aysan dooneyn in dagaal ay la gasho Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in aysan dooneyn in dagaal ay la gasho Itoobiya

Hargeisa(HWN):-Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in aysan dooneyn in dagaal ay la gasho Itoobiya kaddib xiisadda ka dhalatay muranka xudduuda labada dal.


Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdook ayaa Axaddii sheegay in Suudaan aysan wax dan ah ugu jirin inay dagaal ku qaaddo Itoobiya.

Wuxuu sheegay in dalkiisa aysan ka go'neyn in uu ka qeyb qaato dagaal kasta oo ka dhasha muranka xuduudda.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abi Ahmed (midig) iyo Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Abdullah Hamdok. Labada waddan ayey muddo dheer cadaawad ka dhaxeysay

Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu Suudaan kula kulmay wufuud ka socotay dalka Finland.

Itoobiya waxay dhankeeda ku celcelisay baahida loo qabo in la baneeyo deegaanada uu khilaafka ka taagan yahay si loo xalliyo xiisadda.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa BBC u sheegay in Itoobiya aysan dooneyn in cid kale ay faraha lasoo gasho xaaladda si loo xalliyo xiisadda ka dhex taagan labada waddan.

Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa, halkaas oo ah meesha uu gobolka Amhara ee waqooyiga-galbeed uga yaalla Itoobiya uu xadka kala wadaago gobolka Gedaref ee dalka Suudaan.

Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer kaas oo dhan 750 kiilo mitir.

Xiisaddan ayaa soo cusboonaatay kaddib markii ay guul darreysteen wadaxaajoodyadii ku saabsanaa Biyo xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso Wabiga Nile.
Xigasho:-BBC-Somali
Loading...
Loading...