Dowladda Ingiriiska oo Madaxda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg-deg ah u kulmaan

0
Tuesday February 09, 2021 - 01:07:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ingiriiska oo Madaxda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg-deg ah u kulmaan

    Dowladda Ingiriiska oo Madaxda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg-deg ah u kulmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ingiriiska oo Madaxda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg-deg ah u kulmaan

Muqdisho(HWN):-Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa ku baaqay in la dardar-galiyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo lagu jaan-goynaayo heshiiskii la gaadhay 17-kii bishii September ee sanadkii 2020.


Safiirka oo adkeynaya fariin ka timid Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday in wadada kaliya ee lagaga gudbi karo marxaladan ay tahay inay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe heshiiyaan.
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender

"Madaxda waa inay mar kale si deg-deg ah u kulmaan, heshiiskii Dhuusamareeb horumar ayaa laga sameeyay, wadar ogolna waa la gaadhi karaa, waana in la iska ilaaliyo in qolo gaar ah ay tallaabo qaadoā€¯ Ayuu yidhi Ben Fender.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu dalbaday inay si deg-deg ah u kulmaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, isla markaana ka arinsadaan xaaladda xasaasiga ah ee lagu jiro.

Sidoo kale, safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa isna adkeeyay fariintan, waxuuna ugu baaqay inay isku yimaadaan, lana yimaadaan, heshiis doorasho oo hore loogu socon karo.

Arintan ayaa imanaysa, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo ay musharaxiinta mucaaradka ugu yeedhaan madaxweynihii hore Soomaaliya.

Xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa hadda noqotay mid xil heyn ah, sidoo kalena labada aqal ee Baarlamaanka ayaa wakhtigooda dhammaaday dhamaadkii bishii December ee sanadkii hore.

Loading...
Loading...