Ma Dhabaa In Muuse Biixi Uu Beesha Habarjeclo Ka Hor Istaagay Musharax Gole Deegaan Oo Ay Hargeysa Ku Yeeshaan?

0
Monday February 08, 2021 - 19:55:44 in News by
  • Visits: 2342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In Muuse Biixi Uu Beesha Habarjeclo Ka Hor Istaagay Musharax Gole Deegaan Oo Ay Hargeysa Ku Yeeshaan?

    Ma Dhabaa In Muuse Biixi Uu Beesha Habarjeclo Ka Hor Istaagay Musharax Gole Deegaan Oo Ay Hargeysa Ku Yeeshaan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabaa In Muuse Biixi Uu Beesha Habarjeclo Ka Hor Istaagay Musharax Gole Deegaan Oo Ay Hargeysa Ku Yeeshaan?


Beesha degta Barriga Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa xaflad ay ku qabsadeen Magaalada Hargeysa bishii ina dhaaftay oo ay ka soo qayb-galeen siyaasiyiin iyo Salaadiinta beesha ku sheegay inay isla qateen sidii ay laba xildhibaan ay ugu yeellan lahayeen Magaalada Hargeysa mid gole degaan ah iyo mid Gole Wakiillo ah doorashada foodda innagu soo haysa ee bisha shannaad ee sannadkan dalka ka dhacaysa 2021-ka.

Image result for muuse biixi iyo habarjeclo


Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay sidan: "In aynu soo saarno rag iyo dumar xildhibaano diinta iyo dalkaba anfaca innaga iyo qaranka-ba ina anfaca ayaan illaahay weydiisanaynaa.”Ayuu yidhi Suldaan Maxamuud guuleed oo munaasabadaas ka hadlayey.

Dhanka kalene wallow ay beesha Barriga Burco ilaa hadda ay u han weyntahay inay Musharraxiinta u tartamaysa Golaha degaanka ee Hargeysa ay wax ku yeellato,balse xoggo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi iyo hoggaanka KULMIYE ay ka diideen arrintaasi,isla markaana ay u sheegeen in aanay kamid ahayn beelaha degaanka Hargeysa oo aanay suurtagal ahayn inuu Xisbiga KULMIYE aqbalo musharrax Gole degaan Hargeysa ah oo kasoo jeeda Barriga Magaalada Burco.

Geesta kale Abwaan Daaha Gaas oo kasoo jeeda degaanadda Barriga Burco ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu saddex-da Xisbi kullan uu la yeeshay ku sheegay in aan Golaha degaanka ee Hargeysa la soo sharraxin musharrax kasoo jeeda Beesha Barriga Burco,taas oo uu sheegay in aad loo haddal hayo,isla markaana aanay jirin cid beenisay "Madaxweynaha Somaliland ayaa Xisbiyadda shiriyey,oo yidhi yaan laga sharraxin cid aan caasimadda u dhalan, siiba Beesha Barriga Burco,wasiiradda Madaxweynuhu uu doortay ee Barriga kasoo jeedaana arrinkaa may beenayn,in la yidhi Madaxweynaha ayaa maroora dilaacsan in aad isa soo sharrax-daan, wasiiradda barriga kasoo jeedaa arrinkaa may beenayn waa arrin Xisbiga lagaga tegi karro, Burco haddii aad tagto, Ceerigaabo haddii aad tagto Tuullo kasta haddii aad tagto haddalkaas wuu yaallaa, cid beenisayna ma jirto .”ayuu sheegay Abwaan Daaha Gaas oo Warbaahinta Muuqaalka la hadlay.

Sidoo kalena waxa la sheegay in haddalkaas laga soo weriyey Madaxweyne Biixi inuu kasoo yeedhay ahaa in aanay Beesha Barriga burco degaan u ahayn Hargeysa, isla markaana aanay kamid noqon doonnin Musharraxiin u tartamaya Golaha degaanka ee Hargeysa ay beesha Barriga Burco si weyn uga cadhootay, isla markaana uu abuuray haddal hayn baddan iyo cadho xoog ah oo gudo iyo dibadba isqoorsatay.

Ma jiro wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay Madaxweynaha iyo saddex-da Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID, WADDANI, oo sheegay inuu madaxweynuhu faray in aanay golaha degaanka ee Hargeysa u oggolaan inuu iska soo sharraxo saddex-da Xisbi Musharrax aan degaan u ahayn Hargeysa ama musharrax kasoo jeeda Beesha barriga Burco.

 


Loading...
Loading...