Wasiir Awood Ku Leh Xukuumada Oo Fashiliyey Qorshe Muuse Biixi Ku Diyaarsanayo Mudo Kordhin Shan Sano Ah

0
Monday February 08, 2021 - 19:47:01 in News by
  • Visits: 1689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Awood Ku Leh Xukuumada Oo Fashiliyey Qorshe Muuse Biixi Ku Diyaarsanayo Mudo Kordhin Shan Sano Ah

    Wasiir Awood Ku Leh Xukuumada Oo Fashiliyey Qorshe Muuse Biixi Ku Diyaarsanayo Mudo Kordhin Shan Sano Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Awood Ku Leh Xukuumada Oo Fashiliyey Qorshe Muuse Biixi Ku Diyaarsanayo Mudo Kordhin Shan Sano Ah

Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa isaga oo ka gubtay dhaliilo shalay qaar ka mid ah xisbiyada Mucaaridka ahi u jeediyeen waxa uu si lama filaan ah u sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ee uu ka tirsan yahay muddo xileedka u hadhsan ee ah labada sano ay ku darsan doonto muddo shan sanadood ah oo dheeri ah sidaana ay xukunka ugu sii hayn doono muddo 7 sanadood ah taasi oo fajac ku ridday dadkii madasha uu wasiirku ka hadlay ku sugnaa.

Image result for cabdilaahi abokor iyo muuse biixi

Cabdullaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Horumarinta Jidadka oo ka mid ah wasiirrada si weyn u difaaca xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo gaar ahaan Madaxweynaha ayaa shalay hadal uu ka jeediyey xafladda dhagax dhigga Jidka Burco, Oodweyne Illaa Hargeysa waxa uu dhaliyay hadal hayn badan kadib markii uu ku faanay in xukuumadda uu ka tirsan yahay oo muddo xileedkeeda ay kaliya u hadhsan tahay laba sano uu sheegay in ay ku kordhisan doonaan muddo shan sannadood ah oo dheeraad ah isaga oo aan xusin qaabka ay ugu kordhisan doonaan oo ah halka nuxur ahaan hadal haynta ugu badani ka taagan tahay.

Wasiir Abokor oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Mid baan doonayaa in aan halkan ka saxo oo aan uga jawaabo Axsaabta Mucaaridka ah. Muddo xileedkayagii ayaa muhmal ka galay. Xukuumaddu waxa ay imika jirtaa muddo saddex sannadood iyo saddex bilood ah. Waxa noo hadhsan muddo laba sannadood ah. Qolo waxa ay yidhaahdeen sannadkii afraad baad ku jirtaan qolona waxa ay yidhaahdeen sannadkii shanaad baad ku jirtaan. Waxaan Ilaahay ka rajaynaynaa in aannu shan sannadood oo kalena ku darsan doono markaa muddo 7 sannadood ah ayaa noo hadhee taasi ogaada”.

Dhinaca kale Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa sheegay in aanay aqbali doonin dhalliilaha Mucaaridku u soo jeediyaan xukuumaddiisa ee aanay iyagu u arkayn kuwo dhab ah balse ay qaadan doonaan wixii dhaliil toosin ah sida uu hadalka u dhigay isaga oo aad mooddo Wasiirku in uu daba socday hadallo ay madasha ka jeediyey xubnaha Mucaaridka ugu weyn axsaabta qaranku waxaanu yidhi isaga oo arrintaasi dibaaqaya sidan: "Shaqo kasta oo aannu qabanaynaa dhaliil weyn bay yeelan kartaa. Qofka masuulka ah waa xil iyo waajibaad saaran. Ninbaa waxa uu yidhi haddii la I dhaliilo. Dhaliishaydaasina aan arko in ay jirto waa in aan qaataa oo aan toosiyaa. Dhaliishu waa toosin. Haddii aanay jirinna waannu iska difaacnaa. Waxaan jirin haddii aad aqbasho waxaan jirin baad aqbashay. Runtiina annagu kama kululaanayno laakiin wixii jira ee dhaliil ah waan qaadanaynaa oo waannu saxaynaa balse wixii aan jirin qaadan mayno oo waanu iska difaacaynaa”.

Ugu dambayn Wasiirka Gaadiidku waxa uu gaashaanka ku dhuftay magac bixin hoose oo muddoba dadka qaar hadal hayeen oo la xidhiidha magaca loo bixin doono Jidkaasi isku xidhi doona Burco-Oodweyne-Hargeysa waxaanu sheegay in go’aanka magac bixinta jidkaasi uu iska leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi.

"Magaca loo bixinayo waddada ama Jidku noqon mayso Cabdillaahi Abokor. Waxa jira hogaamiye uu qarankani leeyahay. Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen la doortay. Annagana iyaga ayaa na doortay. Shaqo kasta oo aanu qabanayno iyo siyaasad kasta oo aanu fulinaynaana meel bay ka soo maaxataa. Annagu waxaanu nahay fuliyayaal. Waxaanu leenahay hal abuur. Laakiin madaxweynuhu illlaa uu aqbalo qofna waxba ma qabto. Markaa waddadan magaceedu waxa uu yeelan doonaa iyo maamuuskeedaba Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan.


Loading...
Loading...