Musharixiin Xaflada Shaacintoodu Dhacaysay Oo Xabsiga Lagu Hubsaday Iyo Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay

0
Monday February 08, 2021 - 19:40:00 in News by
  • Visits: 1938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharixiin Xaflada Shaacintoodu Dhacaysay Oo Xabsiga Lagu Hubsaday Iyo Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay

    Musharixiin Xaflada Shaacintoodu Dhacaysay Oo Xabsiga Lagu Hubsaday Iyo Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharixiin Xaflada Shaacintoodu Dhacaysay Oo Xabsiga Lagu Hubsaday Iyo Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay

Hargeysa(HWN):-Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa Cambaareeyey Xadhiga Labada Murashax ee Musharax Golaha Wakiilada JSL Md Raage Axmed Yusuf_Siciid iyo Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Md Maxamuud Axmed Jaamac (Dhadoon) oo Xafladooda Shaacintu Dhacaysay Maalinta Khamiista.
May be an image of 2 people and text that says 'Xafladda AUNN ٧OYOOL UCID SOMALILAND KSS Shaacinta Musharixiinta Gobolka Maroodi-jeex Ee Xisbiga Ucid February 11 2021 Maansoor Xil: Raage Axmed yuusuf Musharaxa Golaha Wakillada COLORZONE XII: Maxamuud Axmed Jama (hadoon) Musharaxa Golaha Deegaanka'


Qoraal kooban oo Xoghaye Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo Facebook giisa soo dhigay Ku Cambaareeyey Xadhiga labada murashax waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan.

"Waxaanu Cod dheer ku Canbaareynaynaa Xadhiga Sharci darada ah Ee Lagula Kacay Xoghayaha Maaliyada Xisbiga UCID, ahna Musharax Golaha Wakiilada JSL Md Raage Axmed Yusuf Siciid iyo Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Md Maxamuud Axmed Jaamac (Dhadoon), oo Xafladooda Shaacintu Dhacaysay Maalinta Khamiista.

Xadhigaa waxaanu u aragnaa Cabudhin, Awood Sheegasho iyo Ku Tumasho Sharci
Sidaa daraadeed Waxaanu Leenahay si Deg Deg ah Xoriyadoodii ha loogu soo Celiyo labada Musharax.."

Loading...
Loading...